WAR DEG DEG AH:Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqi doona Ra’iisal Wasaare cusub & Kulan hada ka socda Villa Somalia

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya madaxtooyada looga arimiyo dalka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan uu ka socdo gudaha madaxtooyada kulan xasaasi ah.

Kulankani ayaa u dhaxeeya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo hore u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kasoo shaqeeyey dhinaca bur burkii dalka hay’addaha horumarinta iyo gar gaarka, isagoona si gaar ah uga shaqeeyey arimaha dhanka waxbarashada oo lagu amaanay halka uu agaasime kasoo noqday urur ka shaqayn jiray dhanka waxbarashada iyo hormarinta loo yaqaanay CED.

Wasiirka oo hore ugu soo tartamay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya sanadkii 2017-dii ayaa ka tanaasulay hankiisii tartanka doorasho, isagoona aan soo jeedin barnaamijkiisa siyaasadeed halka uu u tartamay mar kale bishii November ee sanadkii 2016 jagada xildhibaanimo ee gollaha shacabka Soomaaliyeed oo lagaga guulaystay.

       Abdulahi Hasan Ali shakhsiga loo badinayo inuu noqda Ra’iisal Wasaaraha dalka.

Mr. Xasan ayaa xidhiidh dhow la leh xubnaha mucaaradka ah, waxaana uu kasoo jeedaa gobolka Banaadir halka ay isku dhow yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku beel kasoo wada jeedaan balse kulanka maanta u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo ayaa u eeg isku soo dhowaansho iyo in uu madaxweynuhu magacaabi doono maadaama uu yahay shakhsi leh awood badan isla markaasna culaysyada haatan saaran madaxtooyada Soomaaliya uu kala yarayn karo.

Warar qaar ayaa sheegaya in keenistiisa xafiiska labaad ee ugu sareeya dalka ee Ra’iisal Wasaaraha ay ka shaqaynayaan xubno ka tirsan Madashada Xibsiyada Qaran oo ay isku dhow yihiin wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. Cabdullaahi Cali Xasan.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa haysta dhalashada dalka Jabuuti, waxaana dadka qaarkood ay aaminsan yihiin uu yahay shakhsiga kaliya ee badali kara Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre maadaama madaxtooyada Soomaaliya ay ku dadaalayso helida shakhsi la siyaasad ah.

Jagada Ra’iisal Wasaaraha dalka oo banaan ayaa la filayaa in la magacaabo shakhsigii buuxin lahaa maalinta beri ah, waxaana madaxweyne Farmaajo uu wadaa qorshe uu ku kala dooranaya xubnaha ku loolamaya jagadaasi oo uu isagu magacaabisteeda leeyahay.

7 Comments

  1. Wariyaha qoray faaladaan waxaan u sheegayaa in cabdullaahi cali xasan uusan muqdisho iska daayee soomaliyaba joogin adna waxaad leedahay farmaajuu la fadhiyaa war waa ku sidee.
    mideeda kale xasan sheekh iyo cabdullaahi xasan waa mukulaal iyo jiir, madal xisbiyoo wadatana ma jirto ee wax hubso walaal intaadan waxaan oo kale aadan bulshada u soo gudbin.
    mideeda kale ninka aad sheegtay isagaaba Facebook giisa ku soo qoray inuusan diyaar u ahayn qabashada xilka, waa dhici kartaa isagoo dalka ka maqan la magacaabo hadii Alle calaf ugu daro waana non istaahila, akhyaar iyo odaynimo ka muuqata, lkn xaaliyan warka aad qortay waxba kama jiraan Mr geeylan ee raali ahaw sxb wax kale noo sheeg.

  2. Anigu Farmaajo waxaan kula talin lahaa Ri, uga dhig Ra,iisal wasaare Zoo.malida. Go,aankaa isagaa leh. Qabiil walba waxa uu rabaa ra,iisal wasaare. RI marka uu ka dhigo ra,iisal wasaare ayaan heshiinaynaa

  3. Xarmaajo wuxuu soo wadaa ra’iisal wasaare Nuur Cadde oo kale oo siduu Cabdullaahi Yusuf u galay isagana u gelidoona..

    Raiisal wasaarahaas wuxuu xaarmaajo ku khasbidoonaa in uu iscasilo laakiinse Cabdullaahi Yusuf degaan uu aado buu heestey xaarmaajo intee buu aadayaa mise Axmed Maxamed Islam buu magangelyo weydiisanayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*