Wasiir Maareeye “Kuraasta aan ku fadhino ee Xamar micno nooma leh, Somaliland waxay..”

MUQDISHO (P-TIMES)-Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in aysan wax micno ah ku fadhin kuraas Dowladda Federaalka Soomaaliya ee yaalla Xamar, kuwaas oo ay ku fadhiyaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda degaanada Somaliland.

Xildhibaan Maareeye oo la hadlay Tv-ga Dalsan ayaa sheegay inay Somaliland ay dib ula midoobi karto Soomaaliya marka la siiyo Mid kamid ah Labada kursi ee dalka ugu sareeya (Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha), inta ka horeysana kuraas ay ku fadhiyaan aysan kusoo laabaneyn Somaliland.

Barnaamijka Awooda 5 aad waxaa marti ku ah biri ku simaha Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo ka hadli doonaa xaalado badan oo dalka ka taagan

Barnaamijka Awooda 5 aad waxaa marti ku ah biri ku simaha Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo ka hadli doonaa xaalado badan oo dalka ka taagan Waxu sheegayaa in Somaliland hadii mar kale lala midoobayo ay tahay iney madaxweyne ama RW qaadato Arimaha doorashooyinka iyo wasaarada iyo qodobo kale .Kala soco biri 5: 00 galabnimo

Posted by Dalsan TV on Wednesday, August 12, 2020

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*