Xaaf oo ku baaqay in Al-shabaab laga xoreeyo deegaanada Galmudug

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ku dhex maray dadka shacabka ah iyo Al-shabaab deegaanka Shabellow oo hoostaga degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, kaas oo sababay khasaarayaal kala duwan oo soo kala gaadhay labada dhinac.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu tacsi ugu diray dhamaanba ehelada dadkii ku dhintay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Shabellow, waxaana uu uga baryey caafimaad deg deg ah kuwii kale ee ku dhaawacmay.

Mr. Xaaf oo dagaalkaasi ku tilmaamay mid murugo ah ayaa sheegay in uu dhamaaday xiligii Al-shaabaab caga juglaynta iyo handadaada ay baada ay kaga qaadi jireen shacabka xoolaha, waxaana madaxa Galmudug iyo saraakiisha ciidamada iyagana uu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan xoreynta deegaanada Shabaabku kaga sugan yahay dhulka Galmudug.

Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Shabellow oo u dhaxeeyey Al-shabaab iyo dad shacab ah ayaa waxaa ka dhashay khasaarayaal kala duwan, waxaana ku dhintay dagaalkaasi sida la sheegay 1o qof oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay halka ilaa 20 qof oo kale ay iyaguna ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*