BAAHIN: Qandaraas dowladda hoose ee degmada Galkacyo.

Dowlada Hoose ee Dagmada Galkacyo. Waxa ay ka heshay mashruuca maalgalinta Qaramada Midoobay ee Dowladaha Hoose ee adeega iyo maamul-daadajinta (UN JPLG), gaar ahaan mashruuca maamul daadajinta ee loo yaqaan SDM, wxaanu doonayaa in uu qayb kamid ah maalgalinta u isticmaalo mashruucan hoos ku qoran.

Galakcyo SDM Education Sector

  • Dayactirka Peace Primary School
  • Dayactirka Halane Primary School
  • Dayactirka Mohamedu Rasululah Primary School

Sidaadaraadeed Dowlada Hoose ee Dagmada Galkacyo waxay naadinaysaa shirkado qandaraas layaal ah oo ku haboon in ay qabtaan Qandaraaskaan kor ku qoran.

Qoraalka qandaraaska waxa laga helayaa Xafiiska Sargaalka waxsoo iibsiga (Procurement Officer) laga bilaabo taariikhda 15/09/2020 ilaayo 29/09/2020.

Qandaraaskan dhamaan dokumentigiisa waa in lasoo diyaariyaa iyada oo la raacayo tilmaamaha la siiyey qandaraaslayaasha iyo qoraalada kale ee qoraalkaan ku xusan.

Qandaraasluhu waa in uu dhamaan documentigiisa ku sooridaa bushqad xiran kuna soo aadiyaa xarunta Dowlada Hoose ee Dagmada Galkacyo ugu dambeyn 29/09/2020 10:30am Subaxnimo

Qandaraaska documentigiisa waxaa la furayaa insha allah tariikhdu markay tahay  01/10/2020 11:00am

Waxaana lafarayaa qandaraasleyda usoo tartanta mashruuca kor ku xusan in ay yimaadaan Hoolka Dowlada Hoose ee Dagmada Galkacyo maalinta furitaanka Mashruuca.

NB: Sharuudaha Qandaraaslaha laga doonayo.

  1. Qandaraasluhu waa in uu tagaa goobta shaqada laga fulinaayo isaga oo soo saxiixaya waraaqda sahanka Goobta.
  2. Qandaraasluhu waa in uu haystaa waraqda Registration ka dagmada oo laga qaadanaayo Xafiiska Duqa Degmada.
  3. Qandaraasluhu waa uu warqada buuga qandaraaska lagu siiyo uu ku soo daraa codsiga document giisa.
  4. Qandaraasluhu waa in uu document ga kusoo daraa diwaangalinta iyo cadeymaha muujinaya in uu ka diwaan gashan yahay kana canshuuran yahay.
  5. Wasaarada Hawlaha Guud.
  6. Guddiga Qandaraas bixinta.
  7. Qandaraasluhu waa in uu ku soo daraa Document giisa.
  8. Shahaadada Engineer kooda iyo CV.
  9. Company Profile.
  10. Qandaraasluhu waa in uu si haboon u muujiyaa lacagta uu qandaraazka kusoo codsaday iyada oo tiro iyo qoraalba ah.
  11. Qandaraasluhu waa in uu haystaa shatiga Dowlada Hoose ee Dagmada Galkacyo.
  12. Qandaraasluhu waa in uusan ku jirin faldambiyeed la xariira qandaraasyo uu horay u qaatay.
  13. Qandaraasluhu waa in uu leeyahay awood dhaqaale oo uu isku dabari karo.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*