DAAWO-Banaanbaxyo caddaalad lagu dalbanayo oo gilgiley magaalada Muqdisho & shacabka oo farriin u diray madaxda dowladda.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo caddaalad loogu raadinayo marxuumad Xamdi Maxamed oo ahayd gabar ardayad ah dil iyo kufsina loogu geysto Muqdisho.

Qaybaha kala duwan ee bulshada kunool gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalay shirka iyagoona dalbanayey in caddaaladda la horkeenay raggii ka dambeeyey kufsiga iyo dilka marxuumad Xamdi.

Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah dadka lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha kiiska Marxuumad Xamdi.

Taliyaha Booliiska Cadaado labo xidigle Cali Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga howlgal ay ka sameeyeen Cadaado lagu soo qabtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiska Xamdi, isaga oo ka baxsaday Muqdisho.

2 Comments

  1. Hawiye calaacal iyo catow baa ka soo haray, meel kasta waxay la taagan yihiin waxaan Farmaajo ka codsaneynaa cadaalad..

    Maxaa idiin diidan in aad u sheegtaan ciidamada AMISOM in xukuumadda Farmaajo ay ku tumatey dastuurkii dalka xilligeediina uu dhammaadey sidaas darteed aysan difaacikarin Farmaajo. Digniin siiya AMISOM ka dib hoobiye ku asqeeya madaxtooyada.. Farmaajo waa Fuley haddaad habeen iyo maalin hoobiye la dhacdaan wuu cararayaa….

    Viva Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*