DAAWO-Boosaaso waxaa laga bilaabay olole aysan ku farxin kuwa ammaanka waxyeeleeya.

Ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ahaa mid soo wanaagsanaaya sanadkii ugu dambeeyey markii loo fiiriyo 12-kii bilood ee ka horreeyey, kadib dedaalo shicib iyo dowladeed.

Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo taliska ciidanku waxay dhamaman u mahadceliyeen shacabka Boosaaso oo ay sheegeen inay yihiin kuwa wada shaqayn buuxda laleh laamaha ammaanka ee gobolka.

Haddaba waxaa magaalada laga bilaabay olole cusub oo loogu magacdaray “Luuqa layr ku xir geedna beer” waxaana macneheedu yahay in la fiyo luuqyada ay ku dhuuntaan ama ku cararaan kuwa falalka ammaan xumo geystey.

Mas’uuliyiin hadlay ayaa sheegay in tallaabadaani ay qayb ka noqon doonto sugidda ammaanka iyo soo celinta iftiinkii iyo bilicdii guud ee magaalada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*