DAAWO: Dhooba-Daarood oo ka digay Arrin laga wado Muqdisho, kuna wajahan SSC

MUQDISHO(P-TIMES) – Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Maxamed Axmed (Dhooba-Daareed) oo ka hadlayay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in xildhibaanada Sool, Sanaag & Cayn kasoo jeeda lagu soo doorto magaalada Garoowe ee caasuamda Puntland oo horeyba loogu doortay doorashadii u dambeysay ee 2016-kii.

Dhooba-Daareed ayaa sheegay in ay kasoo horjeedan qorshahaas oo uu sheegay in ay hadda ka shaqeynyaan dad kasoo horjeeda Midnimada Soomaaliya, loona baahan yahay in maanka lagu hayo gobaladaas in ay doonayaan in ay aayahooda ka tashadaan.

Gudoomiyihii hore ayaa cadeeyey in ay gobaladaas xaq u leeyihiin in ay go`aansadaan halka doorashadooda lagu qabanayo, si lamid ah sida ay Somaliland xildhibaanadeeda ugu soo baxaan doorasho deegaanka magaalada Muqdisho ee ka dhaxaysa Ummadda Soomaaliyeed.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO

Dhooba-Daareed ayaa sheegay in ay uga digayaan dawladda Faderaalka, Guddiga Doorashooyinka & Beesha Caalamka qorshaha la xariira in doorasho deegaanka xildhibaanada Sool, Sanaag & Cayn laga dhigo magaalada Garoowe oo ay kasoo horjeedaan.

Madaxweynaha Puntland ayuu ku eedeeyey in uu ka leeyahay dano siyaasaded in xildhibaanada SSC laga soo doorto magaalada Garoowe, oo uu doonayo in shaqsiyad fulinaya damaciisa siyaasadeed uu kusoo saaro kuraastan, taas oo ay diidan buu yiri dadka gobaladaas.

 

17 Comments

  1. Doorashadu weli waxay ku salaysan tahay 4.5 iyo beelo. Haddii reer Sool iyo Cayn si nabad shir ku qabsanwaayeen oo mar kasta Somaliland soo weerareeysay sidee hadda doorasho ugu qabsan karaan degaannadooda?

    Meel kasta oo doorashada lagu qabtaba majiro qof madaxa xabbad laga saarayo oo la khasbayo; waxa dhici karaa waa galaangal iyo laaluush. Marka, reer SSC haddii ay cid lacag ka qaadanayaan may ka qaataan reer Puntland oo danta iyo degaanku ka dhexeeyo intii ay Xamar iyo Farmaajo wax ka quuddarrayn lahaayeen?

    Macquul ma tahay, haddiiba lagu heshiiyo, in ugu yaraan ergo 150 qof ah iyo in kale oo badan oo wehelisa lagu qaado diyaarado oo Xamar la geeyo? Kharashka intaa le’eg iyo martigelinta yaa duudka u ridanaya?

    Tan kale, qofka Xamar doorasho u aadaya ma mid dardaarmay oo naftiisa nacay baa? In madaxa laga toogto miyuu raadsanayaa? Ergooyinkii 8 sano kahor wax dooranayey ayaa weli la ugaarsanayaa oo la tooganayaa. Kuwa hadda wax dooran doonana, haddiiba ay hadda nabadgalaan, mustaqbalka waa bartilmaameed.

    Dhooba-daareed haddii uu reer Sanaag-Bari wanaag la rabo muxuu degaankooda u galinwaayey boqollaalka kun ee dollar ee uu ku faanayo inuu Turki galiyey? Cidda ugu weyn ee gabtay Sool, Cayn, iyo Sanaag-Bari waa ganacsatada iyo qurbajoogta degaannadaas kasoo jeeda ee laga sugayey inay dadkooda indho u noqdaan.

  2. dhoobo Dareed in uu hadlo uma Eka,sababto ah Asago ah ninka 2aad ee puntland ayuu mekhankisi lumiyey,qof maheradisi lumeyey oo meel cidla ah jooga side uga hadi kala masiir umaded? dhobo dareed dadka sool & Sanaag wax aay kaga bahan yihin oo talo ah majirto, adiga aya gud hadimo isku tuuray.

  3. @@@@HANUUNIYE

    JAALLE Hanuuniye ma maqlaysaa? Weli waxaan kaa dhowrayaa jawaab amase raalligalin iyo xaal.

    Waxaan daawaday odayaal Marreexaan oo Madaxweyne Deni Caayaya. Midkood waa iska caddahay inuu yahay guulwadeyaashii Kacaanka laakiin waxaa layaab leh kan kale oo ah 80-jir garka cillaantay. Waxaa la yiri geel duqdiisii durdurisay, aarankiisa maxaad mooddaa? Odayaashii baa waxay ku hadleen hadalladii qaaqleyaasha iyo habraha sigle mothers-ka ah ee sex frustration-ku hayo.

    Hadalladooda waxaa ka mid ahaa: “Fiiri qoortiisa (surkiisa), xagge lagu arkay qof Soomaali ah oo qoortaas leh?” Horta, nin rag ah oo dhammays ah ayaa leh sur iyo bayd weyn sida baarqabka qoornimada lagu xusho. Xoogga iyo xajmiga iyo codka weyn waxay ka mid yihiin haybadda madaxnimada. Ninka gaaban amase barta yar amase codka dumarka oo kale leh ma laha burji lagamana haybaysto si kasta oo uu u caqli badan yahay. Alle (SWT) markii uu ka hadlayey boqorkii uu usoo saaray reer Banii Israa’iil inuu dagaalgaliyo, wuxuu yiri: {قَالَ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاهُ عَلَيْكُمْ وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ ۖ وَاللَّهُ يُؤْتِي مُلْكَهُ
    مَن يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ.}

    Madaxweyne Deni wuxuu miisaanka caqliga iyo jirka kala mid yahay Helmut Kohl — waa hoggaamiyihii aragtida dheeraa ee mideeyey labadii Jarmal. Dabcan, waa muslim iyo masiixi laakiin waxaan ka hadlayaa maskaxda iyo fakerka oo Alle siiyo muslim iyo gaal kii uu doono.

    Madaxweyne Deni ayey ku sheegeen Zanzibari, waxaase xiise lahayd ilaa ay Af Somali ku hadleen uma maleynayn inay Soomaaliba yihiin. Waxaan mooday Dinka ( qabiilka John Grang — South Sudan).

    Dadku maba oga in dadka Zanzibar ku nool ka qurux badan yihiin, kana cas cas yihiin Soomaalida.

    Midkood ku faanaya barwaaqada Gedo ayaa yiri: “Waxaan isku cunaa kurus iyo yaanyo.” Waxaan niyadda iska iri, ‘Illeen sideer u gubatay sidii aad kulaylka Gedo iskugu rudaysay jifi kurus iyo yaanyo!’

    Mar kale isagoo baaxadda Gedo ku faanaya wuxuu yiri: “Gedo waa saddex kun oo kilomitir oo labojibbaaran (3000 square kilometers). Waxay ka dhigan tahay: 100km × 30km. Waa inta ay ku fadhido min Xamar ilaa Jowhar oo dherer ah iyo min Xamar ilaa Afgooye oo ballac ah! Oo Gedo sow ma ahayn gobolka Somalia ugu baaxadda weyn? Dabcan, wuu yahay. Ninkaasi intii uu durbaankii Kacaanka tumayey ee lahaa ‘ caynaanka hay’ haddii uu wax baran lahaa, maanta khaladkaa ma sameeyeen.

    Waxaa muuqata hadalkii Deni ee ku saabsanaa imtixaanka dugsiga sare ee uu ulajeeday Goodax iyo Farmaajo in dadka qaarkiis oo ciil ay u qabaan Puntland la dibbirsanaa ay u noqotay ‘ anigoo inaan ooyo doonayey baa sac saynta igu dhuftay.’

    Jaalle Hanuuniye, Marreexaan intooda maanta durbaanka u tumaysa Farmaajo gar iyo gardarraba, ha ogaadeen Puntland waxa ay ku doodayso ee u dhaliilsan tahay xukuumaadda maanta talada haysa, ma aha colaad ku jihaysan Farmaajo iyo Marreexaan midna. Xisaabtan iyo dooddan Farmaajo kahor ayey socotay, isaga kadibna waa socon doontaa. Waa qaabka iyo nooca dowladnimo ee Soomaaliyada mustaqbalka. Qoladii ku qanacsan sidii wax ahaan jireen 1991 kahor, waa yeelkadiis. Qoladii aan lahayn aragti iyo hiraal fog ee isku maaweelisa waddaninimo iyo midnimo dhalanteed ah, wixii ay ka hesho waa nasiibkeed.

    Puntland mowqifkeedu waa: ‘Gacalada geedkaa inoo saar oo geela inoo qaybi.’

    Marreexaanka inta Farmaajo u guulwadeynaysa waxaan xusuusinayaa hadalkii qori-ismarisku (waraabe-dadow) ku yiri ninkii ka talodiiday: ‘Shalay waad arrin xumeyd, xalayna waa orod gaabnayd, haddana waad aqoon xun tahay.’

  4. @BOODHARI

    Awal adiga miyaadan dhuxulaysato Warsangali ahayn oo reer Maakhir?

    Dhabayaco dhabar MCN miyaa noqotay hadeer EEBOOW?

    Gobolkii dhamaa idoor wagaash miyaa ugasoo carartay?

    Maxaa yaab isdaba yaalo!

    • Waxaa halkaan ka cad siyaasada foosha xun ee maxamuud salabeen, bal eeg Sool maamulka Puntland gacan kuma hayo sanaag bar gacan kuma hayo… maxamuud salabeenku waa dad xukun jecel wax walbana xukun raadis u galayaan waana waxa maanta Puntland halkaan dhigey. Teedakale maysan ku xisaab tamin inay SOOMALIYA doorasho toos ah ka dhici doonto laguna xisaab tami doona DEGMOOYIN ..sool waxaa ka taliya Somaliland, 60% sanaag waxaa ka taliya Somaliland. Reer SOOL iyagaa dhulkoodii xarashtey… maxamuud salabeenku waxeey ku mashquulsan yihiin sidey xamar u fariisan la haayen una talin la haayen TAASI dhici meyso. PUNTLAND WAXAA dhisay dadka deeganka, waligeed Puntland ma soo marin hogaamiye fiican laakiin dadka ayaa ah dad XADAARAD DHEER.

  5. Allaahu akbar, waxaan uubateeyaba tokeey oodda soo jebi!

    Marka hore waan salaamaya guddoomiye Dhoobo-Daareed, aad buuna ugu mahadsan yahay sida wanaagsan ee uu hadalka u dhigay. Marka xiga waxa aan xoojinayaa baaqa uu mudanuhu u jeediyey bulshada ka soo jeedda gobolada SSC, waa in meel ay joogaanba ka muddaharaadaan oo ka hadlaan arrinkan isaga ah. Khaasatan kuwa ku sugan magaalada Muqdisha, waa in ay shir degdeg ah qabtaan ay kaga hadlayaan arrinkan usaga ah; GEEL XAARAY MANNOOLA.

    Midna waxa aan u jeedinayaa hoggaanka dalka Soomaaliya, mudane Maxammed Cabdullaahi farmaajo, DHAXALKA kaliya ee lagugu xusuusan karaa waa in shicibku codkooda ku dhiibtaan deegaan doorashooyinkooda sida lagu xusay Samareeb3. Haddii taad wadatay lagaa hor istaagay, oo tii kale ee cod iyo qof lagaaga hor istaagay Samareeb3, oo intii hadhayna halkan lagaaga hor istaago, inta aan doorashaba la gaarin iska casil xilka oo isaga tag; sidaas baa kuu qiimo badan.

    Ugu danbayntii, SSC aniga ayaa iska leh. Garoowe ima metesho. Qaswade qarandumis ahi ima metelo. Oday iyo siyaasi BARAKACE ahi ima metelo. Halla ii oggolaado xaqa aan u leeyahay in aan codkayga ku dhiibto deegaan doorashooyinkayga ama sida xildhibaanada gobolada waqooyi caasimada Soomaaliya ee dhagaxaantu waardiayayso. Madaxweyne adiga oo aan cidna u danaynayn adigu isu danee. Haddii kale (sida guddoomiyuhu yiri) talo aanan la mahadin baannu isugu noqonaynaa. Wbt

    • Mr Dhoobo, Meesha fog ee laga doonayaa gobolada aad sheegtay ma Somaliland baa? Hadday tahay maba foga.Haddaba kuwaa jooga oo ay ka dhex tolan tahay.

  6. Weli lama go,aamin heerka doorashada soomaaliya ka dhacaysa hadiise lago,aamiyo madhacayso in pl sooxusho deegaan ayna lahayn barlamaankiis suuragalna maaha haday dhowr jeer ku ceeshtay mar danbe madhacayso insha Allah

  7. cayayaan ha is daalinina somaliland ayaa u talisa dhulkeeda qadaadweyn iyo ree zanzibar ha iska qayliyaan, ssc waxla yidhaana ma jiraan, sool dhulbahante ma wada laha sanaagna warsengali qoofad yarbuu ka dagaa, markaa niicda iyo qaska dukaanka ka daaya. dulbahante iyo warsangaliga waamo waxba kama sheegi karaan somaliland.

  8. Dhooqo Daareed wali waxa uu wadaa wixii la eryey. Dagaal iyo xumaan ayuu bilaaba wax yar ka dibna waxaad arkeysaa. Wixii lugu eryey ayuu wali wadaa oo waxaa iskaka yaacsan wadooyinkii. Somaliland iyo Puntland waa ka qaraabtey, waxeyna markaan dhuuntiisu tustey in wax u dhaama aysan jirin Ismaqiiqe farmaajo, waxa ka qeyla siinayana waa intaa.WARSANGALE waxaa reer BOQOR u ah Bah MAJEERTEYN iyaguna warkoodu waad cad yshey. وهنا إنتهت القصة.

  9. @A.Arar boowe ninka masuulka ah ee dulmay xaq buu ku adimayaa.Oday aam masuul ahayn oo nafisay waa la dhibsaday caqliga Majeerteen ka weeye.
    Xaq uma lahan Deni inuu ka hadlo Jubaland iyo Gedo.
    Sidiise kale ha u muxaarado Farmaajo iyo dawaladda.Sidoo kale maxaa diidaya in siduu u hadlay ee garaad la,aanta cuqdada qabiilaysan in loola hadlo.
    Miyaad diidaysaa in Cismaan Maxamuud ay ku jiraan dad aan Majeerteen iyo Daarood ahayn?
    Iyagiibaa leh ma ahin Daarood iyo Majeerteen ma ceebbaa?
    Wax weyn ahan Zinjibaari inkastoo ilkayar yar fiican yahay,sababtoo ah ZINJIBAAR Somalinimadaa qofkaas loo diidan yahay.
    Farmaajo ma difaacayo,balse been naftaada ha u sheegin qabiil ayaa lagu mucaaradayas

  10. @@@@ Hargeysa Boy

    Ma taqaan waxa ay ku baxday ‘Yamyam iyo Qadaadweyn’?
    Waxaa bixyey mujaahidkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan, wuxuuna ula jeeday intii Ingiriis u adeegi jirtay oo kabaha u qaadi jirtay oo ka Koobnaa: Sikh, Sankadhuudhi, iyo awooweyaashaa. Waa kuu garaadli’i in hadal awooweyaashaa lagu duri jiray aad maanta dad kale ku aflagaaddeyso.

    @@@@HANUUNIYE

    Jaalle Hanuuniye, erayga ‘Ilkayar’ anigu sida uu ku baxay ma aqaan, kolleyse waa naanays dhaqan ee ma aha mid jinsiyad iyo Soomaalinimo lagu duudsinayo. Reer Puntlandna meesha laga isticmaalo isagoo ka jira ayey ugu yimaadeen ee iyagu ma bixin. Tan kale, laga yaabe inay isticmaalaan qaaqleyaasha social media laakiin oday siddeentan-jir ah laga yaabo inuu nabad-doon yahay oo reer Puntland ah kama suurtowdo intuu fagaare soo istaago inuu yiraahdo Marreexaan waa Ilkayar.

    Waxaad tiri Cismaan Maxamuud waxaa ku jira dad aan Daarood iyo Soomaali ahayn! Taariikh yaab leh ayaadba haysaa! Haddii taasi jirto, hadde Daarood iyo Soomaaliba way ku jiraan sababtoo ah Cismaan Maxamuud Soomaali oo dhan bay ka guursadaan, kana guursata. Weli ma maqashay nin Cismaan Maxamuud ah oo lagu la yiri waa Zanzibaari oo gabar siinmayno?

  11. Mr Dhoobo, Meesha fog ee laga doonayaa gobolada aad sheegtay ma Somaliland baa? Hadday tahay maba foga.Haddaba kuwaa jooga oo ay ka dhex tolan tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*