DAAWO-Puntland oo hadda war ka soo saartay jabhadda Gardafuu lagaga dhawaaqay hanjabaadna dirtay

Puntland ayaa beenisey in jabhad cusubi ka samaysmatay gobolka Gardafuu kadib markii maalin kahor xubno xilal Puntland horay xilal uga soo qabtay ay ku soo bandhigeen ciidamo hubaysan.

Gudoomiyaha gobolka Gardfu Muuse Saalax Guuled ayaa xalay shir saxaafaded uu ka qabtay xafiiskisa ku beeniyey in jabhad cusubi ka samaysantay gobolka Gardafuu sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Saalax Guuleed ayaa sheegay in gobolku nabad yahay isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo buunbuunisa wararka noocaas oo kale ah, ayna la socdaan dhaqdhaqaaqa cidkasta oo ammaanka wax u dhimaysa.

Labo beri kahor ayaa saraakiil horay uga tirsanaa ciidanka Puntland iyo isu duwihii wasaaradda kalluumaysigu ku soo bandhigeen ciidamo ay sheegeen inay ka amar qaadanayaan dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*