DAAWO-Sheekh Nuur Baaruud oo weeraray wasiirada haweenka & xildhibaano uu sheegay inay toobad keenaan

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay Sharciga Denbiyada Galmada oo golaha shacabka la horgeeyey uuna guddoonku qaadacay.

Waxa uu Sheekh Nuur Baaruud sheegay inuu ogyahay in sharcigaasi baadilka ah ay dabada ka riixayso wasiiradda haweenka iyo Xuquuqda Insaanka xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin ay tahay cidda gadaal ka riixeyso sharcigaan.

Sheekha ayaa sheegay in Soomaaliya uusan ahayn dalka ay wasiiraddu u malaynayso, wuxuuna ugu baaqay inay kula laabato sharcigaasi meeshii looga soo dhiibey oo uu ku tilmaamay dalal shisheeye iyo cadaw diimeed.

“Wasiirada haweenka ee sharcigan keentay in muddo ahna waday oo aan si shaqsi ah u ogahay, Waxaan leeyahay wallaaley joogso, Wadankan midka aad mooday maaha, haddii ay jiraan kuwo kusoo diray waa la iga diiday ku dheh” . ayuu yiri Sheekh Nuur.

Dhanka kalena, wuxuu xildhibaanad Maryan Haaruun oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ugu baaqay towbadkeen iyo inay Alle cafis waydiisato maadaaba maadaama ay hadalado xad gudub diinta ku ah jeedisay ayna xilka ku weyn karto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*