DAAWO: Shirka Muqdisho oo lagu kala kacay & Warkii u dambeeyey.

MUQDIHSO(P-TIMES) – Wararkii u dambeeyey oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqaya in ay joogsadeen kulamadii u dhaxeeyey Madaxda dawladda Faderaalka, Dawlad gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir, waxaana ka baxay kulanka qaar kamid ah ka qeybgalayaasha oo ka carooday doodaha kulankan.

Ajendaha maanta ayaa ahaa arrinta gobalka Banaadir, waxaana qodobada soo kala hormarinayay Madaxtooyada Soomaaliya, dawlad gobaleedyada madaxdooda qaar kamid ah ayaa ka baaqsaday kulanka maanta, markii ay ogaadeen Ajendaha doodaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ka baaqsaday kaqeybgalka kulanka Villa Soomaaliya oo uu ka carooday, sidaas oo kale Axmed Madoobe & Waare ayaa ka baxay shirka, markii ay isku maandhafeen labaduba Arrinta gobalka Banaadir.

Qoor-Qoor, Waare & Cumar Filish ayaa sheegay in ay waajib in ay matalad helaan shacabka Banaadir, Axmed Madoobe oo waday aragtida Siciid Deni ayaa sheegay in 6 xubnood ay ogol yihiin, laakiin taasi waxay ka careysiisay Waare oo ka baxay shirka.

Puntland, waxay horey u diiday qodobadii ay meelmariyeen baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya bishii July, oo ay sheegtay in aysan sharciyad ku fadhiyin, waxaana kamid ahaa 13 Senator oo ay gobalka Banaadir  u melmariyeen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay sheegay in xubnaha 13-ka ah ay doonayaan in ay soo galaan Aqalka Sare ee la dooran doono bilaha nagu soo wajahan ee xiligan.

Warar xogogaal ah ayaa tabinaya in arrimaha qaarkood ad loo kala fog yahay wali, ayna taasi keentay in Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Gobalka Benaadir ay maanta shiraan.

7 Comments

  1. Hawiye waxay ku dhaceen dabinkii Farmaajo ee ahaa qaybi oo xukun. Halkii ay ahayd in laga hadlo arrinta doorashada ayuu soo hormariyey maqaamka iyo matalaadda Xamar.

    Maqaamka Xamar waa arrin u baahan dastuurka in la beddelo oo ay u codeeyaan 2/3 ee Baarlamaanka. Taas waxaa kasii weyn maqaamka qudhiisa sida uu noqonayo in laga doodo oo lagu heshiiyo ayaa ka horreysa.

    Caqliga Hawiye waa inay Xamar oo ah hal gobol oo ka mid ah 18kii gobol — ku qaataan 13 xildhibaan! Waa saami u dhigma afar gobol iyo bar! Waxay ku doodaan: ‘ Xamar 3 milyaanaa ku nool’. Hadday ku nooshahayna? Miyaanay dadkaas kasoo jeedin Somalia qaybaheeda kala duwan oo 4.5 wax ku qaybsaday?

    Maraykanka stateska ugu waaweyn dad ahaan iyo dhul ahaan sida California iyo Taxes iyo kuwa ugu yar yar sida Wyoming, mid kasta si siman ayey aqalka Senate-ka ugu leedahay 2 mudane.

    Haddii maanta shirkaas lagu kalatago, halkaas waxaa ku guray rajadii Somalia iyo dowladnimadeedii. Cidda ugu khasaaraha badanna waxay noqon doontaa reer Muqdisho. Waxaa dulsaarnaan doona Farmaajo oo waqtigii ka dhacay oo mandate haysan oo ciidan difaaca haysta, aan sidaana ku tageyn. Waqti kororsi bug ah ayuu sameysan doonaa. Dhanka kalena waxaa kasoo kuurinaya Al-Shabaab oo hadda ka dagaallamaya Ceelasha Biyaha. Haddii khilaafkan sii socdana, waqti yar baa naga xiga inta ay dagaal ka bilaabayaan Xamar dhexdiisa.

    • Runtii hadal caqli gal ah baad ku hadashay, SOMALI iska hadal oo wax dheh baa dishay, nin aqoon iyo garasho isku darsaday baad tahay, waxaa khalad ah in Arrinta Muqdishu lasso hormarsho , waayo Farmaajo ma doonayo in doorasho laga hadlo ama wakhtigeeda ku dhacdo, markaa waa inuu gadaal u dhigaa oo isku mashquuliyaa Hawiye iyo Daaroodka waaweyn, dabna dhexdooda dhigaa, oo ka jeediyaa tii weynayd. Runtii 13 mudane ee la siiyey waa khalad, waana miino loo assay Somali oo Farmaajo ka dambeeyo, Hawiye badanna iska garanayn, Bendaadir gobol bay ahayd ka tirsan 18 gobol, sidee mar qudha u noqotay 4 gobol iyo badh, iyada oo weliba haysata dhaqaalihii Somali lagu caaweyey, oo Safaarado, xafiisyada Federaalka iyo wax walba haysata. Hawiye iyo Farmaajo haloo kala baxo , waxay kala helaan, 13 ka xildhibaan meesha ay ka taliyaan hala arko, Illaahay mahaddii in Somali maanta u burburayn, Xamar baa lagu kala yaacay.

  2. A. Afar,
    Walaal Waad asiibtay oraahda iyo qoraalka qiimaha badan ee cabbirka siyaasadda Maanta ee Somalia.
    Midna ku darso taas ah in Somalia maxmiyad deg deg ah la gelinayo.

  3. Gobolka Banaadir!

    Inkasta oo aannaan weli hayn wax caddaynaya haddii kala bood jiro iyo haddii kaleba, laakiin si cad baan uga soo horjeeddaa in gobolka Banaadir uu maqaam iyo metelaadba helo; lix baad sheegaydaaye xitaa hal kursi ma istaahilo! Waa go’aan uu gaaray Madaxweynaha kaligii is magacaabay ee SSC. Xitaa Muqdisha caasimad in lagu sheego ayaa khalad ah baan qabaa.

    Siyaasiyiinta Hawiye ee ku guul darraystay in ay nidaam iyo kala danbayn u yeelaan degaamadooda baa raba in lagu abaal mariyo kuraas kale oo ay sadbursi ku helaan kuna handadaan beelaha kale.

    Hadduu Farmaajo damcay in uu siyaasiyiinta Hawiye ku abaalmariyo kuraas dheeri ah si uu olole doorasho ugu galo, waxa aan leeyahay MADAXWEYNE taasi waa kaa fakatay; meel kale ka baadh-baadho.

    Qoor-Qoor oo gacanta loogeliyey maamul aan gobol iyo bar dhammayn, oo inta badana ay ARSENAL ka talido, baa inta uu aqalka sare hortago oranaya gobolka Banaadir wax halla siiyo! Way u ahaatay, saa usagaa XAARAAN wax lagu siiyaye.

    Hadday ka badin weydo, maamulkayga SSC ee Culusoow shalay diiday & gobolka Banaadir waa isku xiran yihiin. Waxa aan malqayey niman aan meelna katalin oo lahaay doorashoodhin baan qabsananaa sidii Tigreega haddii doorashadu wakhtigeera ku dhici weydo.

    Gunaanadkii, doorasho wakhtigeeda ku dhici mayso, Banaadirna metelaad iyo maqaamtoona ma helayo; ciyaalkaa xitaa taa garanaya ee cirka soo dumiya meesha aad ka gashaan baannu ka galiye. SSC aniga ayaa iska leh.

  4. Cajiib!!!

    Hawiye gur buu Leeyahay waana in laga Xaal mariyaa, gacmo daaliskii ka raacay dadkii wuxushta ahaa ee Daarood ee aay magaalada ka siyeeynayeen 91kii!

    Gar buu Leeyahay oo Mar haddii aanan waxbo la iska weeydiin, dadkii kor u dhaafayey 300kun ee qof ee loo xasuuqay oo kali ah in aay haybtoodu Daarood ahayd!

    Gar buu Leeyahay Mar haddiiba aaysan Su’aali ka imaan, waxa sababay in aay Maqaamkeedu u doodaan Sadex nin oo isku beel ah oo aay dadka iska xejiyaan, Magaalo la Leeyahay Dal dhan Bay Caasimad u tahay!!

    Gunaanad!!!

    Daarood Maqane waa horuu seegay Marinkiiye!
    Maxastoodu Meeshii la dhigay ha iska Muuqdeene!
    Malagu ha dul Meereen fadhiya Minanka Ceelgaabe!

    Madarkicisku Maagga ha u dilo aay Maciinsaniye!
    Ha u Meeriyeen Meeshii aay Mari lahaayeene!
    Magtuna ha u siiyeen Digaag, Maro Ma gooyaane!

    Murunsadaha Maraqa ha u dirsado Maagay Meel sara’e!
    Muufada ha siiyeen ka haray waaba duul Maqane!
    Muddullood ha Maamulo Rabbi baa guriyey Maankoode!

    Dawacuba halkuu Macal ku cunay Muuqay weligiiye!
    Gaaljecel ha Miro waa dad aan garan Maqaamkoode!
    Sidii Magan Saruur aay yihiin Meel fog yaay dayine!

    Afartaa intaan Maanta iri Miin Ma ka higaadshey?
    Ma Maldihine Maansadu halkii Mudan Ma qaadsiiyey?
    Sidii Mudane Sheekh oo Muftiya Ma idin Maqashiiyey?

  5. Daroodku waa victim jecel in la victimize gareeyo. sidii umulihii ayey iloobeen 1991. maba ahayn in 2020 muran taagnaado. waa hore ayey ahayd in lagu kala baxo. oday caada qaate ah iyo siyaasi kusheeg caada qaate ah iyo beelo caadaqaatayaal ah ayaa bahdilkaas ka dambeeya

  6. Arar mid baan halkan ka odhanayaa.

    Mr. Araroow horta wax Soomaaliya xildhibaanadeeda iyo goboladeeda muran looga keeno ayaaban yareyn. Sidey imika tahay hadii ay Dadka Reer Banaadir khasab ku heli karayaan 40 kursi oo Aqalka Sare ah oo ay awoodaas intey is bidaan dhex marin karaan Reer Soomaaliyada kale oo dhan dee xaqbey taas uleeyihiin.

    Sababta aan taas ku sababeynayaana waa Habka Federaaliga ah ee la qaatay Puntland ha ugu tunweynaato cida riixeysa’e ayaaba khayaali ah. Tusaalooyin yaryar oo koobkooban.

    Xeerka Maamul Goboleedyada aan ka bilaabo. Waxa uu xeerkaasi qorayaa waxa noqon kara Maamul Goboleed ‘LABO GOBOL IYO WIXII KA BADAN’. Kelmeduhu waa iney macno sameeyaan. Wuxu hadii uu yahay XEER na waa inuu noqdaa waxaanan la sii kala tafaariiqeyn karin ama lakii kala macneysan karin oo uu noqdee wax cad oo cid walbaaba fahmi karto.

    ‘IYO WIXII KA BADAN’, xaalkeedu imika waa la joojiyaana banaan, la jiifiyaana banaa.

    Qormadaasi waxa mee ku dhex aasay Reer Puntland. In kastooy bambaanadaas imika qaraxday iyagu duugeen, hadana anigu Reer Puntland eeda ma wada saarayo. Waayo Soomaaliyadii kale ayaa liqdey oo qaadatay taas. Waxey aheyd inay wax iska akhriyaan oo ay qiimeeyaan sababta sidaas loo yidhi. Hadhow maxaa ka dhalan kara. Intee oo si ayaa loosii kala turjumi karaa iyo iwm/etc. Sababtaas la’ajligeed ayaanan eeda badankeeda Puntland ugu qooli doonin. Dhaliil’se wey leeyihiin.

    Intaanan dhaliisha u gelin waa inaan qeexaa sababta ay Reer Puntland miinadaas ugu Aaseen Xeerkaas ay ka meel mariyeen Soomaalidii kale ee huruday. kkkkkk

    Kow waxa ay shaxdooda ku saleeyeen Meeqaam Isireysan oo ay og yihiin inaanay si murugsan mooyaane si kale ugu macashi karin. Tusaale, Woqooyiga Mudug, Koonfurta Sool, Buuhoodle oo ka mid ah Togdheer iyo Sanaag Bari. Inta Gobol ee ay damacsanaayeen, welina aanay ka quusan waa Afar Gobol. Togdheer oo ay Buuhoodle ka garoocdeen looguna yeedho Ceyn. Sanaag Bari oo ay Sanaag ka Garoocanayaan oo loogu yeedho Heyland ama Maakhir iyo waxyaabo kale oo waali ah, Sool Bari ka Feenanayaan Gobolka Sool. Sadexdaasiba waxay ka mid yihiin Dhulka Somaliland. Laakiinse iyagu waxay u sheeganayaan in uu yahay Puntland. Waxay si maldahan ugu yeedheen SSC taas oo ka dhigan Sool Sanaag iyo Ceyn. Wuxuba waa wada Somaliland laakiinse Isir ahaan ayay u dhegen yihiin. Gobolka Afaraad waa Mudug. Kaasna Gaalkacayo Woqooyi iyo wixii kasoo sokeeya ayay ku dhegen yihiin.

    Anoo soo koobaya. Hadaba iyagii oo wax tashkiiliniya ama kala garoocaya ama feenaya ayay kelmadaas, ‘IYO WIXII KA BADAN’ ku darsadeen Xeerkaas. Waayo ma odhan karaan ‘GOBOLO KA KOOBAN LABO IYO SADEX, AFAR, ETC. INTA GOBOL EE IS JECEL INEY IYAGU ISKOOD ISKUGU TAGAAN’. Waayo Afarta Gobol ee ay shaxda in ka mid ah ku darsadeen Sadex ISAAQ Ayaa la dega, midhka kalena HAWIYE. Mawada heystaan oo xukunkoodu kama shaqeeyo. Somalialnd iyadu dibada ayayba istaagtay oo kama mid aha. Weyna ka Facweyn tahay Puntland oo safaadkaas iyo wax u dhow toona warba uma heyso. Ama Puntland Xamar wax hakaga dhacsato Goboladeeda ama Cirka badhbaan leeyahay ha tidhaa, Somaliland danba kama lahan. Waxay leedahay Puntlaaneey cadkaad cuni kartba liq keygaba ha noqdee hadii heli kareyso. Daff sidii haadkii waxaa daffi kareyso.

    Hadaba waxa inkaar ku noqdey oo wixiiba ka dhabqiyay PUntland Galmudug. Galmudgeey Galnus lagu odhey. Waa Gobol iyo Nus. Hadana waxay sheeganayaan iney yihiin Maamul Goboleed. Puntland halkan ayay dhaliisha ku yeelatay. Kumey Adkeysan inaanay GalMudug jiri karin waayo Labadii Gobol mey dhameystirin. Kumay doodin in Hirsabeele ay wax ku darsadaan. Waxay aheyd inaanay Xasan Sheekh dagaal kala gelin qeybta ay ku leeyihiin Mudug oo keli ah ee iney ku yidhaahdaan Gobolkooda iyo Badhkooda meel kale hala aadaan Maamul Goboleed noqon maayaan kuwaniye. Kokey u ilduufeen GalMudug/GalNus ayay sheekadii oo dhami ka dhabaqday. Imika GOBOLKA BANAADIR hadii uu ku doodo sharcigaas waa la jabiyay ana waxaan u qalmaa inaan Heybadeyda iyo Tiradeyda sad mug weyn ku hello dee Garbey u leeyihiin.

    Ta kalena waa in ay Caamtahay oo Soomaali oo dhami ka wada dheregsantahay iney Puntland tahay Labo Gobol. Laakiinse ay inta kale ee sheegataa hadey ugu badiso ay murangal uun yihiin. Hada maaha maangal ee waa Muran Gal. Waayo Dhul aanay Xukumin imana karin ayaa Shaxda ugu jira. Imika Aqalka sare imisa Xildhibaan ayay Puntland ku leedahay? Hadii Afar lagu saleeyo Gobolkiiba dee waa sideed Xildhibaan. Imika intaas wey ka badan yihiin. Kabo soo qaad hadii loo raaci lahaa intay Sheegato. Afar Gobol oo buuxa iyo wax kaleoo nusasba kasii yaryar sida Woqooyiga Mudug iyo Buuhoodle oo kale. Tirada xildhibaanada ee ay saxda u heli laheyd Gobolo ahaan waa 16 iyo inkale oo dheeraad iska ah. Imika’se 16 xildhibaan ma leedahay. Waa maya. Kolkaas shaxda ay ku dhasan tahay Xildhibaanada Aqalka sare sow Khayaali maaha? Aan kusoo noqdee Gobolka Banaadir maxaa u diidaya inuu yidhaa dee ciyaartii laga wada dhergey ee lajiifiyaana banaan, lajoojiyaana banaan ciyaa. Maxaa u diidaya haday GalNus tidhaa dee anna 20 Xildhibaan ayaan Xalay ku Riyoodey oo khasab ayaan ku rabaa. Jupaland tidhaa Anna weykan oo tiro cayimato. Koonfur Galbee yidhaah, Arriirow meyla fadee oo ah inta keliya een Maymay ka aqaano garaneynse waxa loogala jeedo. kkkk

    Waad fahanteen ujeedadayda ayaan filayaa dhamaantiin. Habkan Federaaliga ah wuxu uu baahan yahay ka baarandeg badan iyo in la’isku raacsan yahay sida uu u ekaanayo. Xuduudaha Maamuladu sideebey iyaguna u ekaanayaan. Yaa u qalma. Kuraastu waa imisa. Aqal Sare ma loo baahan yahay. Wax aanan heshiisba lagu aheyn hadii lagu doodo in la meelmarsado ka warama. Hadey Qolo tidhaa anigu tiradeydii iyo dheeraadba waan heystaa inta kalena cirka ha’u taleedhshaan waxaan idhaa ayuunbaa soconaya? Beerka Jecli, xeydha jecli, laakiinse adiga kula necbi. kkkkk

    Gunaanad. Habka Federaalku waa fashil socda. Maskax galba ma’ahan. Aakhirkana Fowdo waxaan aheyn dhali maayo. Soomaaliya waxay God dheer ku dhacday kolkay habkaas Raacday. Godkaasina maaha mid ay dhayal dhayal uga soo bixi karto.

    Xal wanaagsan oo waxan murugsan lagaga gudbo ayaa loo baahan yahay. Inta midba dantiisa wato wallee inaanu wadan idiin dhismeyne ogaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*