DEG DEG-Sucuudiga oo ku dhawaaqay shuruudo cusub oo lagu cumraysanayo & xilliga Soomaalidu aadi karaan oo la ogaadey.

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo loogu talo galay gudashada Cumrada, oo la hakiyay muddo lix bilood ah sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Iyadoo laga horgtegayo safmareenka COVID-19, dadka cumreysanaya ayaan taaban doonin Xijrul Aswadka, Masjidka Xaramka ayaa maalintii la nadiifin doonaa 10 jeer. Sidoo kale dadka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 ayaa loo diyaariyay qolal lagu karantiilo.

Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhwaaqday in si tartiib tartiib ah loo furi doono Cumrada, wixii loo gaaro bisha soo socota.

Muwaadiniinta iyo ajaaniibta degan Sucuudiga ayaa laga bilaabo 4 October, ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada, iyadoo maalintii ay keliya Masjidka Xaramka ee Maka ay geli karaan 6,000 oo qof.

Bisha Oct 18-keeda ayaa Sucuudigu ogolaan doonaa 15,000 oo xujey ah ay Cumrada ku gutaan Al-Masjid al-Nabawi ee magaalada Madiina, dadka ka imaanaya bannaanka Sacuudiga ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada wixii loo gaaro 1-da November.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*