DHEGEYSO-Ciidanka Somaliland oo howlgallo wada, maxaabiis ay soo qabteen & saraakiil Alshabab ah oo gaarey.

Ciidanka ammaanka ee Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojiyey howlgallada ay ka samaynayaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi, kadib markii ay soo bexeen xogo sheegaya in Alshabaab ay gudaha u soo galeen.

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa kamid ah meelaha la soo dhoobay ciidamo ka badan kuwii hore, waxaana ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ay ka shakiyeen laamaha ammaanku.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer Gaashaanle dhexe Cali Maxamuud Faarax Gaadda yare oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Burco ayaa sheegay in ciidanku ay qabteen shan ruux oo looga shakisan yahay inay falal ammaan xumo geysan karaan.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin tuhmanayaal isla markaana ay baaritaano kala duwan ku samayn doonaan, cidkasta oo aan dembi lahayna ay xorriyaddeeda siin doonaan.

DHEGAYSO

Maalmo kahor ayaa waxaa soo baxay xog sheegaysa in dagaalyahano iyo saraakiil katirsan Alshabaabkii ku sugnaa buuraleeyda gobolka Bari ay gudaha u galeen deegaamada maamulka Somaliland uu ka arrimiyo, inkastoo aysan dhankooda ka hadlin.

1 Comment

  1. Puntland ma waxay bilowday inay noosoo xawilaan Terrorist???!!!

    Xuduudkaanu ka xidhanaynaa Somaliya oo dhan waayo wax khayr leh kama sugayno.

    Buuralayda la sheegayo kooxahan Ku jiray soo Reer Puntland maaha?mise waa cid kale?

    Waa dad aqoon u leh dhulka ay Ku jiraan,taa macneheeduna waa Puntlanders!!!!

    Cidii soo gasha dalka iyagoo dhagar wada xabsi daain iyo xiniinyaha oo laga tumo oo la dhufaano ayaa kasoo horaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*