Khayre oo kulan la qaatay guddoomiye hore Jawaari oo uu horay barlamaanka uga tuuray

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hoygiisa ku martiqaaday Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulanka dhexmaray Jawaari iyo Khayre oo saacado dhowr ah socdey ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid ay isaga xog waraysanayeen xaaladda siuyaasadeed ee Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan iyo Xasan Cali Kheyre ayaa Khayre ku bogaadiyey shaqadii uu soo qabtay, wuxuuna sheegay inuu kala shaqayn doono qorshihiisa siyaasadeed

Xasan Cali Kheyre oo labo cisho ka hor ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo bilow u ah Ololihisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021.

1 Comment

  1. Xaqiiqda marka laga hadlo kheyre waxuu u shaqeeyaa SOM GAS waana sababta farmaajo xaare loogu qesbay inuu PM ka dhigo…odagaal 80 jirka ah jawaari meeshii la rabey inuu tusbaxiisa qaato meel fariisto wali siyaasad ayuu damac-sanyahy. SOOMALIYA WAXEEY u baahan tahay dad cusub

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*