MAQAAL XIISO LEH: WAR MAYDKA QABTA!

WAR MAYDKA QABTA!

Nin aan dhiman baa loo qaatay in uu dhintay.
Waa la dhaqay, waa la kafnay, waana la qaaday.
Intii lasii waday buu soo naaxay. Wuxuu maqlay codadka agagaarkiisa ka baxaya, ashahaadaysiga dadka, ducada Alle kor loogu durraansanayo, maydkana lagu sii sagootinayo. Intaba waxaa ka daran maro cad buu sidii xabbad nacnac ah ku duuduuban yahay oo madaxa iyo lugahana wey ka xidhan tahay. Wuxuu gartay in waa hore la diyaariyay, haatanna qabri loosii wado.
Xadhkihi buu iska furfuray, wuuna booday oo cararay isagoo qaawan.
Wey cayrsadeen waxayna dheheen “WAR MAYDKA QABTA …. WAR MAYDKA QABTA …. WAR MAYDKA QABTA”, waxayna isugu dareen tuuryo, ul iyo wax walba oo hakad gelin kara maydka cararaya.
Ninkii oo aan waxba ku noolayn ayaa dadkii eryanayay waxaa ka hor yimid nin, wuxuuna yiri war maxaa dhacay?
Waxay yiraahdeen; miyaadan arag ninki maydka ahaa?
Wuxuu yiri sow isaga nool ee ordayay?

Waxay yiraahdeen wallaahi waa runtaa!

Wacyi-darrada uu keenay is-maandhaafka waallida u eg ee dalka ka jirta iyo waxa la isku hayo sidey u yihiin wax aysan Sagaaro biyo ka cabbin, aysanna gar ahayn in dalku sidaa ugu kadeednaado muddada aan dheeraanteeda wada og nahay ayaan kusoo xasuustay nimankii ninka nool eryanayay ee lahaa “WAR MAYDKA QABTA”.

Madaxdeenna mid diineed, mid dhaqan, mid siyaasadeed, mid aqooneed iyo mid ganacsi in badan baa lagu yiri wax u eg “war waxa aad baacsanaysaan mayd ma aha ee waa nin nool ee xooggan tirada badan wax kale ku qabsada, hase yeeshee nasiib-darro oraahdaas dubaaqooda wali uma daadegin.

INTA NINKA ERYATAY AMA HADDA ERYANAYSA
– Dawladdii kaligii-teliska ee sababtay inay jabhado hubaysan dalka ka dillaacaan, cadowna maciinsadaan, iyagii iyo cadowgii oo iska feer dagaallamayana dalka dib ugu soo duulaan.

– Jabhadihii sidaa ku abuurmay ee kacaankii aan la mahadin kasii daray, dalkana dumiyay, ilaa iyo haddana isla caqligii fooraray ku fikiraya.

– Qabqablayaashii ka dambeeyay ee mid walba uu qabiilkiisa ka dhaadhiciyay Itoobiya waa walaalaheen, reer hebel (Soomaali ah) waa cadowgeenna, una allifay sheeko-baraley aan sal & raad lahayn si uu ugu dhex noolaado dulinka qabyaaladda, una harsado cuqdiga geedka cunsuriyaynta sokeeyaha ay koox waliba deegaankeeda ku tallaashay.

– Maafiyooyinka magaca diinta wax ku kharribay ama haddaba ku kharribaya dalka, dadka iyo dalaggaba ee muslin tukada isugu dara qarax, qaarajin iyo qudh-gooyo ee doonaya inay dibadda u bixiyaan muuqaal u eg in dalku yahay geyi baas iyo guri ba’ay oo ciidan shisheeye inay joogaan ma ogiye aysan nolol dhexdiisa ka suurtoobayn.

– Ganacsatada ka faa’iidaysatay dawlad la’aanta ama dawlad-xumada ee dalka usoo waaridday, walina usoo dejisa cunnooyinka xumaaday ama xagga tayada ku liita ee waxtar ha joogtee cumri-degdegga iyo cudurrada silloon laga qaado iyo dawada dhacday ama kuwo awooddoodu (Doses) ka hooseyso intii loogu talagalay.

– Mooryaanta (Ma liibaanayaasha aan lagu liibaanin) ee loogu duceeyo “Allow hanoo waayay wax ciilka naga bi’iya, cadaabkana naga xigsada), laguna dagaal-geliyo tolla’ay ma idinkoo nool bay maanta reer hebel nasoo hawaysteen?

– Qabyaaladda la dawladeeyay ee qabiil walba meel uu ootay usha la hor fariistay, dalkiina u ekeysiisay dal ka kooban dalal isu col ah, mararka qaarna isku duula iyadoo la isku haysto dhul uu gumaysiga na siiyay baad naga haysataan ama waddo boqol mitir ah baan dhisaynaa iyo dhisi maysaan, sidaana dal tacab lagu dhisay iyo dad aan inaka go’in lagu baabi,iyo.

– kuwii soo xambaaray fikirka awood-qaybsiga ku salaysan qabyaaladda 4.5 ee qabiil walba uu gudihiisa iska sii dulmiyay oo kala qaybsanaantii qabiil-qabiilka joogtay jifo-jifo iyo jilib usii daadejisay, walina ku doodaya “4.5 XALAAL MA AHA EE XAL BAA LA BIDAY”, sidaana bulshada ugu sii haya ku hoos noolaashaha hannaankan lagu hoogay ee aan xal iyo xalaal midna ahayn.

– Kuwa maamullada u gala inay ka coodtaan, una labbistay inay hantida guud ku dhacaan awooddii loo siiyay inay bulshada ugu adeegaan, danta guudna ugu khidmeeyaan.

– Qurbajoogta wixii lagu diriray ogayd asii aan ogayn ama is-moogaysiisa in la heshiiyay iyo in la kala daalay midna ee aan ka warqabin ama aan tixgelinayn duruufta dalka taal iyo baahida dadku isu qabo ee gocashadu ay ka keento inay hadba colaad hor leh huriyaan, dabka baxayana baansiin kusii bilbilaan.

– Ganacsatada hubka ee 30 sano oo dalku burbursanaa dalka ka ilaalisay in laga waayo hub iyo rasaas laysku gumaado, maalinkay maqlaan nabad ama dawlad baa dhalatayna ku dhowaada inuu wadnuhu istaago.

– Gurigood ba’ayaasha ka shaqeeya tahriibta iyo in da’yartu ay dalka ka jaanqaadaan ee inta badan sababa geeri iyo gablan.

– Kuwa maandooriyaha iyo mukhaadaraadka kala duwan dalka keena, intii soo hartayna qabatinsiiya maandooriye seejiya naf, maal iyo magac intaba.

– Kuwa soo qaata qandaraasyada dalka lagu sarrifanayo ee ogolaada in sun lagu aaso ama badda la xaalufiyo ama dhirta la dhuxulaysto, dibaddana loo dhoofiyo ama qayb dalka ah si aan caqli iyo cilmi midna uusan qabin ugu tagri fala.

– Odayaasha dhaqanka ee reerahooda gar & gardarro kula dudsan ee dalka usoo xula xildhibaannada kuwooda uu xilku ka weyn yahay, halmaamayna inay ummadda u dhexeeyaan, ayna ahayd inay iyagu is-ceshadaad, marxaladdii adkayd iyo maalin walboo adagna loo baxsado, dalkana isu celiyaan ee la kala saftay siyaasiyiinta biyaha hoostooda iska haraatiday ee isku maandhaafsan danahooda gaarka ah.

– Laga soo bilaabo dhalashadii dawladnimada aan cagaha adag ku taagnayn ilaa maanta kuwii maamulka dawladnimada kala dhaxlayay ee dalka ka saari la’ khaanadda inuu dalku yahay kan dunida ugu musuqmaasuqa badan, taasoo indhaha caalamka ku ah, in dadkeennu yahay duuflaal aan waxar jaban lagu hallayn karin.

– Dhammaan intaa iyo in kaloo aanan xusin hab-dhaqankooda ama lisaanul-xaalkoodu wuxuu ka dhigan yahay dalkii waa dhintay ee hala soo aaso.

Dalkeennu ma dhiman, dunida arrintaa ka maragta ah baana maalin walba inoo sheegta in dalku nool yahay. Hase yeeshee badi dadkeennu dalka wey dhaqeen, wey kafneen, naxash bay dhex dhigeen, dhanka qabuuraha ayeyna u xambaareen.

Haddii uu dalkii soo naaxay oo isagoo qaawan uu iskii u orday, isagoo nafta la cararayana, tuuryo, ul, or iyo qaylo ayaa laysugu daray, sidaa darteed taniyo aamanuudii waxa laysu eryanayaa waa wax u eg “WAR MAYDKA QABTA” ee mar uun haynaga daadagto in dalku uusan dalalka ka liidan, dadkiisuna aysan quus wada ahayn.

WAXAA QORAY: Suldaan C/Qani Qorane

2 Comments

  1. Suldaan, dalka aad dadkiisii ka dhigtay in aan wax rajo leh lagu arag, maxaa xikmad ah oo ku jira in dalka ‘meyd-cararaya’ la qabto oo la xakameeyo? Yaa loo qabtaa haddii dadkiisii yahay ismadhaantada aad sheegtay? Maa faraha lag qaado isgoon suxudsaaxud lagu arag ha iska dhalaqsadee?

    Waxaan filayaa in lasoo dhaafay xilligii lagu jiray anfariirka oo la isweyddiin jiray: maxaa dhacay? Maxaa khaldamay? Maanta, waxa dhacay iyo waxa khaldamayba waa la ogyahay, wax badanna waa laga hadlay sidii loo sixi lahaa iyo sidii aysan mar dambe u dhaceen laakiin tallaabooyinkii xalka keeni lahaa ayaan la hirgalin, waxaana hortaagan damac shakhsi iyo mid qabyaaladeed.

    Dalkan waxaa loogu dowgalay keligitalisnimo iyo anaa iri, kadibna madaxa oo ah caasimadda ayuu ka qarxay, dhaawacii qaraxa ee 30 sano kahorna weli kama soo kaban. Mar haddii madaxii dhaawacan yahayna, jirka intiisii kale wuxuu noqday mid hawlgabay (paralysed); mid aan weli ka quusan oo ka dhursugaya bal inuu baaq (signal) ka helo madaxii qarxay; mid ka rajodhigay oo ka tashaday; iyo mid kaba xiriir-furtay.

    Waxaa nasiibdarro ah kelitaliskii shalay u sabab ahaa inuu madaxu qarxo, in mid shabbahaa soo noqday oo lagaba cabsi qabo in madaxii la dhayayey ee la baxnaaninayey uu mar kale u qarxo si aan rajo dambe lahayn.

    Dalkani wuxuu u baahan yahay in ammaankiisa la xaqiijiyo oo dilka, qaraxa, iyo xabbaddu istaagaan. Intaa kadibna wuxuu u baahan yahay in wixii 30ka sano lasoo dhiraandhirinayey ee lagu heshiiyey la dhaqangeliyo.

  2. Ninba wax soo qor,waa qof iyo garashadi,Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.
    Kacaankii Barakeysnaa wuxuu ahaa mid la mahadiyo, waxaana Tusaale u ah Farta aad hadda wax ku qoreyso.
    Dowladdii kacaanka waxaay Talada Dalka Soomaaliya ka degtey 26/01/1991,haddana waxaan joogna 2020,maxaad wax u qabsan weydey oo KABAHA AFKA UGU SIDATAA,ILEYN BINI-AADAMKA maantay Dunida ku nool wax KABAHA AFKA KU SITA ADIGAA KA JIREE, MAXAA KUGU DHACAY?
    SIDA BINI-AADAMKu u nool yahay uma noolaan kartid miyaa? SIDA BINI-AADAMKU u fekero uma fekeri kartid miyaa?
    Waxa wanaagsan iyo waxa xun ma kala garan kartid miyaa?
    30 Sano ka dib inaad Baroor la seexatid soow adiga ceeb kuguma ahan Soomaalidu “waxaay tiraahdaa Nin Meeshuu ka tegey laga Tabey,waxaa ku Ceebeysan Ninka Jooga”
    Qofku markuu dad wax u sheegayo waa inuu laba mid un ku hadlaa wax Logic ah Ama Macquul ah,inuu wax sharciyad taabanaya Ama Saameyn ku leh ku hadlo( Legal),haddii uusan Qofku intaas sameyn karin waxaa wanaagsan inuu iska aamuso,kolleyba Sharci ma aadan baran,laakiin xattaa wax mucquul ah uma haysid dadka Soomaaliyeed, laakiin waxaad meel xun ku hageysaa Dhalinyarada Soomaaliyeed.
    30 Sano ka dib inaad Tacsi la soo yuurartid,taas adiga bay dib kugu soo noqoneysaa.
    Dhaliishu waa caadi waana muhiim,waxaana jira wax la yiraahdo Dhaliil iyo Isdhaliil( Autocritic and Selfcritic),sidaas Awgeed waxaa kugu wanaagsan inaad isdhaliishid,inta aadan cid kale dhaliilin.
    Jabhadaha aad sheegeysid waa kuwii dadka Soomaaliyeed halaagay, waa kuwii Dabadhilifiin iyo Qaa’imiin waddaniin noqday( Stooges and Traitors),waad og tahay meelaha ay maantay”joogaan “FUFKOODII”Welina kama aysan buskoon CORONAVIRUSKII.
    Soomaaliya iftiin Dowladnimo baa u biloowday waana muuqata, Soomaalidu waxaay tiraahdaa “Xaglo Geel wax Gutin la Geliyo ka weyn”
    Tacsi ha u yuurinine dowladnimada la qabso,waa dantaada,waa danta Caruurtooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*