Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubbaland & heshiiska Farmaajo.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore Dalka ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah ee ay Soomaaliya marayso.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya Axmed Madoobe la wadaagey aragida ururada siayasadeed iyo siyaasiyiinta dalku ay ka qabaan doorashooyinka Soomaaliya natiijada laga sugayo shirarka Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay ula kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa dhammaan faray aragtidooda si ay talada shirarka Muqdisho ugu biiriyaan.

Dhinacyada mucaaradka ayaa ka walaacsan in heshiis dhexmara Axmed Madoobe iyo Farmaajo ay qayb ka noqon karto fursadaha uu ku soo laaban karo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3 Comments

  1. Xaarmaajo hawiye naaso buu u yeeley waa la yaaban yahay.. Mise sixir buu ku burburiyey awoodii hawiye aannnu ogeyn..

    War ninkaan ha iska qabto hawiye iyo kablalax wuu ku tuntey waxaa u haray iidoor oo qorshaha ugu jira in uu ka takhaluso markuu soo laabto.

  2. @Barre kkkk IIMAAN xumada KABLALAX ninkii u sababta ahaa in Kismaayo ku dhimato 123 qof ninkii lahaa KABLALAX Jubaland minority ayuu ku yahay ka yar 12% ayaa gurigiisa loogu tagayaa,halkaa hadaad nin raga tahay qaado iima la ida.
    Wuxuu ku tuntay ma arko BAADDII UN BUU YIRI MAYA.
    Ninkaan nin baad laga qaado ma ahan Cumar Cabdirashiid oo uu Indhacadde baadayo ma ahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*