Puntland roobab dabaylo wata ayaa dad iyo duunyo ku laayey guryo badana burburiyey

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno degmada Rakoraaxo ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in degmada uu ka da’ay roob dabaylo wata.

Guddoomiyaha degmada Rakoraaxo oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxa uu sheegay in haweenay da’ ahayd ku geeriyootay roobka roobka ka da’ay degmadaasi.

Dhanka kalena waxa uu sheegay in biriqi ku dhacday gaari nooca kabta buudka ah, inkastoo aanay dad saarnay uuna roobku waxyeeleeyey saddex meeloodoo laba meelood.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn sheegay in roobku waxyeeleeyey deegaamada miyiga ah ayna jiraan xoolo ari u badan oo ku le’day.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*