Sawirro-Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo caawa kulan laysugu yeeray & xog ku saabsan

Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulan uu caawa ku casumey sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Kulankaan oo ah mid casho sharaf ah ayaa dhinacyadu waxa ay isku waydaarsanayaan xogo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, wadashaqaynta wasaaradda iyo maamulada & arrimo kale.

Wasiir Cawad oo katirsan xukuumaddii barlamaanku kalsoonida kala laabteen ayaa kamid ah shaqsiyaad la hadal hayo inay suurtagal tahay inay ka soo dhex muuqan doonaan xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa dhowaan magaalada Muqdisho kaga qaybgalay shir looga arrinsanayey arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo natiijadiisa la horgeyn doono golaha shacabka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*