DAAWO-Somaliland wasiir ka soo jeeda SSC oo ku sugan Laascaanood & ilaaladiisa ayaa laga helay Covid19 & xaaladdiisa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somaliland Saleeban Yuusuf Koore ayaa daqiiqado kahor shaaciyay in laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, isla markaana uu galay xaalad deg deg ah.

Kadib baaritaan lagu sameeyey ayaa wasiir Saleeban Koore oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Sool ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 laga helay, Waxa uu sheegay inuu markii hore isku arkay Madax xanuun, qandho farabadan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baaritaano, sidaasina looga helay Cudurka.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa sheegay in qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka ah laga helay Coronavirus ayna hadda kujiraan xaalad karantiil ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Deegaamada Puntland ayaa kamid ah dhulka Soomaalida ee ay ma’uuliyiintu ugu geeriyoodeen coronavirus waxaana maalmihii ugu dambeeyey dunidu ka digeysey soo laba kaclaynta Covid19

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*