Taliska Maraykanka oo kulamo la qaatay madaxda dowlad goboleedyada iyo qodobada lagala hadlay.

Taliyaha ciidanka Maraykanaka ee ka howlgala Africa (AFRICOM) Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota, ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ay kulan kula qaateen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ee ku sugan Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka socda dowladda Maraykanka ayaa waxa ay kulamo gaar ah la qaateen madaxweynayaash  Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo koonfur galbeed oo shirar kaga qaybgelaya Muqdisho.

Xoojinta dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyo sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo iskaashi dhexmara Maraykanka iyo maamulada ayaa kamid ahaa qodobadii sida weyn looga hadlay.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamomota ayaa sheegay in Mareykanka uu weli diyaar u yahay in uu tageero xoogan siiyo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa DANAB ee uu maamulo si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegan amniga dalkooda.

Kulamada ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan mareykanka uu sheegay in howlaha Amni ee Soomaaliya uu ku bixiyay lacag ka badan shan bilyan oo dollar 20-kii sano ee lasoo dhaafay oo aan natiijo waarta laga gaarey.

3 Comments

  1. Kkkkkk Waxaa cajiib ah madaxdii kale iskuma xoqin cadaanka,sababta Deni isugu saworayo?Tolow macsir qaran buu gudbinayaa?Waa abtirsaday Deni wan qasaaray dhen

  2. Adeer masiirka wadanka qofkii wax ka ah baa wax laga weeydiinayaa waayo dhulkaad aragtey ama maqashay buu dani madax u yahay
    Karogoo laba saar tii muqdisho buu hadana talo ku leeyahay.
    Adeer dani dhulkiisa ma joogaan 25000 askar africaan ah.
    Wilal somaliyeed oo sidii libsaxii dhexdu yartahay baa gaaf wareegaya.
    Adeer puntland waxeey ka weeyntahay.
    Dalalka, Singapore, baxreeyn,cumaan,japuuti, Eritrea, burundi,ruwanda,Botswana, Kuwait,
    Adeer iyo kuwoo kale oo badan.
    Insha allah awooda California ineey yeelatana waan rajeeynayaa xag awood,xag, dhaqaale,xaga, federaal,xaga state ka xaga police ka,xaga,amniiga.
    Waala doogiye yaan ladacaroon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*