Taliyaha booliska Puntland ee gobolka Mudug oo ka hadlay dad la qabtay & howlgallada gobolka ka socda

Ciidanka ammaanka ee Puntland oo howlgallo qorshaysan ka sameeyey deegaamo katirsan gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay askari dhowaan dad shacab ah ku laayey gudaha magaalada Galkacyo.

Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa warbahainta u sheegay in Askariga ay Ciidamada kasoo qabteen degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari ka xiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Taliye Muumun ayaa sheegay in askarigaan oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland uu 11-kii Bishaan September Waqooyiga magaalada Galkacyo ku dilay nin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Aadan iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay.

Dhanka kalena, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare Muumin Cabdi Shire waxa uu sheegay in howlgallada ammaanka lagu sugayo lagulana dagaalamayo maandooriyaha ee gobolka Mudug ay weli socdaan isagoona shacabka ka codsaday inay gacan siiyaan.

2 Comments

  1. Waxaan filayaa askariga waxaa laga soo qabtay degaan ka tirsan degmada Jirriiban, ee ma aha degmada Galdogob sababtoo ah waa labo degmo oo Gaalkacyo ka kala xiga qorrax-kasoo-bax iyo qorrax-u-dhac. Halmaan hadal kuma jiro.

  2. Qoraalkaan iyo tilmaantaan beenta ah waxay marqaati u yihiin inuu beenloow yahay ninkaan cuqdad då qaba ee meeshaan wax ku xarxsriiqa, laangaab waa naargale horay baa loo yiri qof kaste waa u caraysanyahay kkkkkkkkk midkaan illaahow uusan isha nala helin indha miriglaha ah ee qalbiga ka jirran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*