VIDEO-Galmudug oo soo bandhigtay nin sheegay in gabadhii dabaqa Muqdisho laga soo tuuray gacalisadiisa ahayd

MUQDISHO(P-TIMES) – Laamaha Ammaanka ee Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay ciidamada Booliska ee Galmudug gacanta kusoo dhigeen eedaysane lagu eedeynayo in uu wax ka ogaa Kufsi iyo dil loo geystay marxuumad Xaliima oo ahayd gabar lagu dilay laguna kufsaday magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in ay Eedaysanahan laga soo qabtay magaalada Cadaado ee Galmudug, markii uu halkaas u baxsaday iyadoo la qabtay qaar kamid ah dadka lagu eedeynayo in ay falkan wada geysteen.

Taliyaha Booliiska Cadaado labo xidigle Cali Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga howlgal ay ka sameeyeen Cadaado lagu soo qabtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiska Xamdi, isaga oo ka baxsaday Muqdisho.

 

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*