War adduunka cabsi ku beeray oo laga soo sheegayo dalka Maraykanka iyo dhimashada malaayiin..

Khubarada ku takhasustay cilmiga noolaha ee gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka ayaa qeylo dhaan ka muujiyay dhimashada xad dhaafka ahi ee shimbiraha gobolkaasi kaddib markii maalmihii la soo dhaafay la arkay bakhtiga kumannaan shimbiro ah.

Martha Desmond oo ah bare-sare oo ka tirsan jaamacada New Mexico ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in ilaa haatan aan la ogayn sababta ay shimbiruhu u dhamaanayaan balse ay suurtagal tahay arrin la xiriirto qiiqa dababka lixaadka leh ee ka gubanayo kheymaha dalkaasi ama xitaa cimilada qabow ee in dhawaale ka jirtay dalkaasi.

Tirada dhimashada shimbiraha ayaa hadda laga yaabaa in ay tahay “malaayiin”, ayay tiri Martha Desmond.

Seynisyahanno ayaa horey u sheegay in tirada shimbiraha waqooyiga Ameerika ay si aad ah hoos ugu dhacday sanaddadii la soo dhaafay.

Qiyaastii saddex bilyan oo shimbirood ayaa ku dhintay waddamada Mareykanka iyo Canada 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Khubarada ayaa dadka ka codsaday in ay soo sheegaan marka ay arkaan shimbiraha dhintay si daraasad dheeraad ah loogu sameeyo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Shimbiraha qaar la arkayay iyagoo u dhaqmayo si aan horey looga baran ka hor inta aysan dhiman.

XIGASHO BBC SOMALI

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*