Wararkii ugu dambeeyey ee gobolka Mudug iyo dedaalada xalka looga gaarayo xiisad dagaal oo ka taagnayd

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Mudug ayaa sheegaya in xal laga gaarey xiisad muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnayd deegaamo katirsan gobolka Mudug oo Puntland iyo Galmudug kawada arrimiyaan.

Maamulka gobolka Mudug iyo waxgarad ayaa sheegay inay ku guulaysteen xal ka gaarista xiisaddii isqab qabsiga dhulka ahayd ee ka taagnayd deegaamada Sadex Higlo iyo Gowlale oo ka tirsan gobolka Mudug.

Masuuliyiin isugu jira Maamulka Gobolka Mudug, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug, xildhibaano iyo waxgarad warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xal laga gaarey xiisaddaasi waxaana ay ugu baaqeen dhinacyadii isku hayey deegaamadaasi inay nabadda u hogaansamaan.

Xiisadaha dhanka daaqsinta iyo ceel biyoodyada ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo laalaabanaysay deegaamada gobolka Mudug waxaana marar badan dirir ku dhexmartay malayshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda Puntlnad iyo Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*