XOG-Axmed Madoobe & Denni oo isamada Kabla-lax kala shiraya inay hal musharax ku midoobaan.

Madaxweynaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ku sugan Muqdisho ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ka hor safarkooda Garoowe ayaa waxaa xogihii ugu dambeeyey ee PUNTLANDTIMES heshay sheegaysaa inay booqan doonaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan diblumaasiyiin caalami ah.

Madaxweyne Denni iyo Axmed Madoobe ayaa magaalada Garoowe kula kulmi doona isimada Kabla-lax oo ay kala arrinsan doonaan arrimo quseeya doorashada Soomaaliya.

Madaxda iyo isimada ayaa ka wada arrinsan doona doorashada Soomaaliya iyo sidii ay beeshu u taageeri lahayd hal musharax oo ku wajahaya doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Denni qudhiisu deraasaad ku samaynayo doorashooyinka iyo xildhibaanada soo baxa ayna suurta-gal tahay inuu isku sharaxo xilka madaxtinimada Soomaaliya 2021.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo isku xuluufo ahaa muddooyinkii ugu dambeeyey ay siyaasad ahaan is hayeen madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inay helaan madaxweyne dhankooda ka socda.

5 Comments

  1. ADEER sheekada beenta ah joojiya geedka cisilka layidhaahdo laguma shuraakoobo madxnimadana waa sidaas oo kale, hadaad soo hesho waa lagu taageeri karaa laakiin ila raadiya adinkana gameka kabaxa waa SHEEKO xariiro…

  2. Qabiil dadka madeeqo laakiin qaran ayaa dadka Deeqa tankale haddii qofwaliba Madaxwayne isu sharaxo ciddii dawran lahayd aaway tankale Waxaan umalayn ragga qaar kursigooda in ay waayaam

  3. SACAD MA KUMADAA

    Ma daawateen markii odayaashii Ogaadeen inta Kismaayo ku shireen yiraahdeen,’Waxaan soo dhoweynaynaa ra’iisal wasaaraha Kumade(Maxamed X. Rooble)! Indhihii dhimanwaaya geel dhalayana waa ku tusaan! Marka, ma Ogaadeen baan Daarood ahayn mise Sacad baa Daarood ah?

    Sheekooyinka khuraafaadka ah ee Soomaalidu — qabiil ku sheegaan inuu ka tirsan yahay qabiil kale, haddii dadka caadiga ah ku sheekeeyaan waa wax la fahmi karo laakiin in odayaashii si cad ugu dhawaaqaan waa nasiibdarro.

    Nimanka sidaa u hadlaya oo badankoodu ka yimaadeen Kililka 5aad, maba yaqaannaan Sacad (Habar Gidir) iyo meel uu dego. Anigoo dhiiggayga uu ku dhiig Sacad oo ah in ka badan 450 sano kahor, ayaa aammisan in Sacad yahay Hiraab, kadibna Hawiye. Awoowgaygii guursaday ayeeydaydii Sacad 450 sano kahor wuxuu ku doonay oo ku guursaday inay tahay gabar Sacad ah oo Hiraab ah. Marka, ma nin ka yimid Shilaabo amase Iimey baa Soomaali u sheegaya abtirsiimaha Sacad?

    Sheeko baraleyda aan maqli jirey baa oranaysa nin wata sac cad baa galbeed ka yimid oo yimid Mudug, sidaasaana Sacad loogu bixiyey, wuxuuna ahaa Ogaadeen. Horta, magaca Sacad waa magac Carabi ah (سعد) oo caan ah: سعد بن أبي وقاص, Allaah ka raalli noqdo. Tan kale, Soomaalidu uguma magacdaraan qofka xoolaha laakiin waxay siiyaan magac tilmaamaya inuu xoolahaas leeyahay sida Geelle, Arile iwm. Marka, waxaa la oran Sacle ee lama yiraahdeen Sacad. Annagu qabiilka Sacad waxaan u naqaan Sacad Siciid, waa labo magac oo muslim.

    Anigu waxaan aammisanahay in Hobyo tahay ubucda taariikheedka Hawiye (the cradle of Hawiye), halkaasna Hiraab iyo Hawiyeba ku aasan yihiin.

    Odayaasha Ogaadeen waxay u egyihiin in ku jiraan dhalanteedkii ina Cumar-jees mid la mid ah. Muxuu ka faa’iiday xulafaysigii Caydiid? Sow tii dharbaaxadii Afgooye looga dhuftay lagu geeyey Afmadow?
    Ogaadeen ma maqleen hadalkii Caydiid ka jeediyey isu-soo-baxii Muqdisho Stadium 1991?

    Axmed-madoobe xaflad London ka dhacday ayuu ku sheegay inuusan aamminsanayn hannaanka federalka. Dadkii meesha fadhiyey oo u badnaa reer Muqdisho sacab xoog leh oo daqiiqado socday ayey tumeen! Waxyaalo kala duwan oo aan daawaday amase akhriyey waxaan ka dareemay in Ogaadeenku u janjeeraan reer Muqdisho marka la garabdhigo Daaroodka.

    Qofka wata magaca Soomaali Galbeed baa hadda kahor Majeerteen ku eedaynayey qaddiyaddii NFD. Dadku ma oga in marxuum C/Rashiid Cali Sharmaarke uu xiriirkii diblomaasiga u jaray dowladda Ingiriiska 1963 markuu ahaa ra’iisalwasaaraha, qaddiyadda NFD awgood. Mana soo celin xiriirkaas intuu madaxweynaha ahaa 1967-1969. Waxaa xiriirkii soo celiyey Maxamed Siyaad Barre markuu xukunka qabsaday.

    Ugu dambeyn, reer Puntland si taxaddar leh ha ula macaamileen Ogaadeen — arrimaha Jubbaland iyo Federalkaba. Waxaan kaloo ku talin lahaa in Marreexaan lafahooda/jilibyadooda iyo shakhsiyaadkooda macquulka ah lala shaqeeyo lana soo dhoweeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*