XOG: Doonyihii ugu badnaa ee Jariifka Badda oo lasoo galiyey Xeebaha Puntland, Yaase iska leh?

GAROOWE(P-TIMES) – Warsidaha PuntlandTimes wuxuu helay macluumaad muujinaya in 48saac ee lasoo dhaafay in ka badan 12 gaadiidka Badda ah oo iskugu jira Doonyo casri ah iyo Maraakiib Jariif oo ka yimi Qaarada Aasiya ay soo gaareen xeebaha gobalada Barri, Nugaal & Gardafuu, iyagoo sameynayo jariif baahsan ama Kalluumeysi ay shati uga haystaan dhanka Puntland.

Gaadiidkan badda ayaa dhaqdhaqaaqooda durba laga arkay deeganada Xeebaha qaarkood, iyadoo ay saaran yihiin maleeshiyaad Soomaali ah oo ay ka dambeeyaan xubno katirsan Madaxtooyada Puntland.

Nuqul qoraaleed aan helnay oo ka tagay wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda ee Puntland ayaa lagu qeexay in Shirkad gaar ah ay sameyn karto kalluumeysigan oo aysan jiri Karin shirkad kale oo Kalluumeysi sameysan karta xeebaha mandiqada.

Warqadda waxaa lagu cadeeyey magaca shirkad loo bixiyey Safaari Logistics, shirkadda waxaan ogaanay in ay leeyihiin qaar kamid ah Ehelada Madaxweynaha, Saaxiibada xagga Ganacsiga ay shirkada ku yihiin iyo xubno katirsan golaha wasiiradda ee Puntland.

Jariifka lagu sameynayo xeebaha Puntland ayaa ah mid halis badan, iyadoo Xukuumaddii hore ee Cabdiweli Gaas ay musiibo caalami ah u aqoonsatay in Kheyraadka badda ee Soomaaliyeed la dhaco oo ay shilimaad yar-dhaafsadeen shaqsiyaadka mar kasta xukunka jooga.

Talaabada 12kan gaadiidka Badda ee jariifka ah lagu soo galiyey xiligan Xeebaha Puntland ayaa loo arkaa halis-weyn oo taagan, taas oo haddii aan dib loo eegin horseedi karta falal halis badan.

 

4 Comments

  1. Warkaan u noqosho buu leedahay waxaadan hubin oo dad weeynaha loo soo bandhigo oo hadhow warku kugu soo laabto halisteeda beey leedahay
    Ogoowna arintaas hadii deero deero u hardiso m

  2. Warkaan u noqosho buu leedahay waxaadan hubin oo dad weeynaha loo soo bandhigo oo hadhow warku kugu soo laabto halisteeda beey leedahay
    Ogoowna arintaas hadii deero deero u hardiso masuuliyadeeda adaa qaadaya
    Waxaan hubaa ineysan wsxba ka jirin arintaan.
    Adeer hadii inaad wax ka qorto aad dooneeyso jiriifka badeena lagu hayo
    Maad wax ka qortid 30ka shir kadood oo hadana wada hoos yimaada hal shirkad oo Chinese ah laguna kala qaatay
    Malaayiin doolar.
    Farmaajo iyo kheyre ukala dhuumanayaan
    Midba midka kale aan ceebtiisa soo badhigi kaareeyn
    Adeer kheyre haduu isku dayo inuu madaxweeyne isku sharxo su,aalo firan baa horyaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*