AKHRISO-Axmed Karaash oo awood ku buriyey wareegto ka soo baxday wasiirka ganacsiga kuna amray inuu la shaqeeyo rugta ganacsiga

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa buriyey kala diristii uu madaxda rugta ganacsiga ku sameeyey wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Puntland.

Axmed Karaash ayaa guud ahaanba joojiyey wareegtooyinkii wasiirka ee kala dirista hoggaanka rugta ganacsiga Puntland oo xilligoodii dhammaaday, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ay dardargaliyan shaqooyinka horyaalla.

Dhanka kalena, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka codsaday wasiirka ganacsiga iyo warsadaha Puntland iyo guddiyada ka socda rugta ganacsiga inay ka wada shaqeeyaan qabashada doorashada rugta ganacsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*