AKHRISO: Wasiir Goodax Barre oo farriin soo diray markii ugu horaysay tan iyo intii laga waayey wasiirada cusub.

Wasiirkii wasaaradda waxbarashada xukuumaddii Xasan Cali Khayre oo aan hadlin tan iyo intii laga waayey golaha cusub ee wasiirada ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la xaqiijiyey inuu arrimo caafimaad ugu maqan yahay dalka Turkiga ayaa ka hadlay caydii Nebi Muxamed ee France iyo dhalashada suubaneheena Muxamed.

“Nabi Muxammad nabadgelyo iyo naxariis Alle korkiisa hayeelee, wuxuu ina soo gaarsiiyay risaalo xaq ah oo uu Alle soo diray, taasoo bani’aadannimada, naxariista, nabadgelyada iyo is-caawinta ay aas-aas u tahay. Wuxuu ahaa run badane, dabeecad wanaagsan, deeqsi naxariis badan oo si hufan farriintiisa ifka kusoo gaarsiiyay” ayuu yiri Goodax.

3 Comments

  1. Hadey Runtahay in Godax Barre Rasulki Subana C S W uu wax kayaqan mmuxuu Ardeyda somaliyed urafadinayey?? Abdullahi Godax Barre oo aha kaba leef farmajo,in uu Rasulka suban Nabad iyo Naxaris korkisa ha ahate in uu ku hallqabsado Asagoo kuma yaal dhalin yaro somali ah amustaqbalkoda mugdi galiyey,in uu Diin iyo Rasuul ka hadlo isma qabato hadey runtahay warskasi.

  2. Dhaq kastaa rasuulkay baratay, Guulwade Goodax waa hala i maqlo kuwaan warkiisa soo qaadanaya waa kuwa sidiisa u bahdilan oo dhabarka laga jebiyay shuranshur iyo kurtumo

  3. Waxwalba waa lago qoraa website yada,been,af-lagaado,iyo runta uu aad ugo yar.
    war goodax bare,haddii uu nabi maxamed ( naxariis iyo nabad galayo korkiisa ha ahaatee)
    ma arin la dhaliilaa oo siyaasad iyo qabyaalada jahiliga ah,la aadaa,war yaan anshaxa iyo sharfta laga tagin.duf ku baxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*