AKRHISO-Somaliland oo dhammaan hay’adaha qaramada ka joojisay inay ka shaqeeyaan deegaamadeeda.

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhamaan Shaqooyinkii iyo howlihii kale oo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaannada kala duwan ee Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la hakiyay wada-shaqeyntii ka dhaxeysay Soomaaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasaaradda ayaan weli shaacin sababaha tallaabadaaas ay ku qaadeen, hayeeshee ay sheegeen in Go’aankaas uu ka dhaqan galay degaannada Soomaaliland shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*