AKRHISO-Xildhibaanada beesha Isaaq oo weerar ku qaaday xukuumadda cusub & Villa Somalia

Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumaddii Xasan Cali Khayre, xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  aaya eedeyn  kulul waxaa uu u jeediyay  Wasiirro katirsan Xukuumada  Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xog-hayntiisa in ay faro galin ku billaabeen xulista guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

Maareeye oo faahfaahinayey kulan dhexmaray guddoomiyaha Aqalka Sare & xubnaha dowladda Federaalka ku matala Soomaaliland ayaa sheegay in wasiiro ka tirsan Xukuumadda Rooble iyo Villa Somalia ay faragelin qaawan ku hayaan doorashada wakiilada ka imaanaya Somaliland.

Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay Maareeya oo ka tirsan  guddi loo magacaabay qaban qaabada doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi in mid waliba oo ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble uu wato liis u gaar ah uu ku saabsan magacaabidda guddiyada doorashooyinka wakiiladda Soomaaliland.

Eedaynta xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ee xukuumadda RW Rooble ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli uu kasoo dhex muuqan waayay Golaha Wasiirada uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo shalay codka kalsoonida la siiyey.

AKHRISO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*