Barlamaanka cusub ee Hirshabeelle oo maanta la dhaarin doono

Waxaa lagu waddaa in maanta Magaalada Jowhar lagu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Munaasabadda dhaarinta barlamaanka cusub ayaa waxaa ka qaybgeli doona guddiga doorashooyinka Hirshabeelle, madax hore iyo qaar kamid ah shacabka deegaamadaasi.

Xildhibaanada ayaa berri yeelan doona kulankoodii koowaad oo ay iska dhex dooran doonaan Gudoomiye kumeel gaar ah oo dhisi doona guddiga doorashada.

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee dhawaan lasoo xulay ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay dhici doonto munaasabada dhaarinta, doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu waddaa in ay dhacdo shanta bisha soo socoto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*