Ciidamo xirtay qaar kamid ah waddooyinka Garoowe xilli uu ku soo wajahan yahay madaxweyne Deni & shacabka oo cabanaya

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ka socda qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo safar uga soo kicitimaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Gaadiid lagu xiray cod baahiyayaal, basas ay saaran yihiin shacabka xiran calanka Puntland iyo shaqaalaha dowladda ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada si loogu daabulo garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Garoowe gaar ahaan wadada hal bowlaha ah ayaa ciidamo la dhigay aroortii hore ee saaka, waxaana laga celinayaa gaadiidka dadweynaha.

Qaar kamid ah shacabka kunool magaalada Garoowe ayaa ka cabanayaa xirnaanshaha waddooyinka magaalada, waxaana ay sheegeen in ay saamayn ku yeelatay nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa.

1 Comment

  1. Kkkkkk Federalka qabiil ku salaysan waa kaa Soomaaliyay.
    Qoraalkan igama ahan xumayn.
    Askari tuuladuu ku dhashay,beeshiisa ku dhex jira isagaa ugu awood badan.
    Maamul goboleedyada wey yaqaanan sida lacag loo raadiyo,mase yaqaanaan sida askarta masaakiinta mushaarkooda loo siiyo.Puntland 150 million 5000 maleeshiyo beeleed mushaarkoodii xagay geeyaan?
    Kaligood dhibkaas ma qabaan
    AI Col Abdullahi Yuusuf nin askarta u roon buu ahaa,lama maqli jirin askar gadooda,waxay bilaabatay waqtgii Faroole.
    QABIIL QARAN MA NOQON KARO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*