Ciidanka Puntland oo qabtay doonyo iyo sixiimado sidey hub sharci darro ah

Ciidanka ammankaPuntland ee PSF ayaa gelinkii dambe ee shalay howlgal qorsheysan oo dhinaca badda ah ka fuliyay xeebaha deegaano ka tirsan .

Ciidanka oo watey doonyo nooca dheereeya ayaa howlgalka badda sigaar ah uga sameeyay xeebaha Ceelaayo, Cadcado iyo degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, kadib markii Ciidanka ay xog ka heleen xeebaha howlgalka laga sameeyey.

War qoraaal ah oo ka soo baxay PSF ayaa waxaa lagu sheegay in Ujeedka howlgalka badda looga sameeyay uu ahaa mid lagu doonayay in looga hortego kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebaha, ayna Ciidanka heleen xog arrintaas ku aadan.

“Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray,Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas  oo ay ciidankaPSF heleen xogtooda” ayaa lagu yiri Qoraalka Ciidanka PSF”

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in doonyaha iyo saxiimadaha dhowrka ah ee ay qabteen laga leeyahay waddanka Yemen, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*