DAAWO: Ajandayaasha kal-fadhiga barlamaanka PL & qodobadii Dhoobo-daareed lagu ridey oo kujira.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo khudbad ka jeedinayey xafladda daahfurka kal-fadhiga 47aad ee barlamaanka Puntland ayaa ka hadlay qodobada ugu muhiimsan ee ajandayaasha kal-fadhiga.

Jibriil, wuxuu sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee horyaal barlamaanka ay kamid yihiin xaaladda guud ee Puntland ay ku sugan tahay xilligaan, waxqabadkii barlamaanka xeerar ay xukuumaddu u soo gudbisey.

La xisaabtanka uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayuu sheegay inuu noqon doono mid kamid ah ajandayaasha horyaal barlamaanka Puntland mudada lagu jiro kal-fadhigooda 47aad.

Dhanka kalena, guddoomiyaha barlamaanka Puntland waxa uu sheegay in barlamaanka Puntland uu ka qayb qaadan doono arrimaha doorashada barlamaanka heer federal gaar ahaan doorashada xildhibaanada aqalka sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*