DAAWO-Culimada Buuhoodle oo dagaal ku dhawaaqay dalbadayna in la toogto dhammaan..

Culimaa’udiinka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah cidkasta oo afla gaadhaysa suubaneheena Muxamed NNKH.

Culimada oo kulamo ku qabtay gudaha magaalada Buuhoodle ayaa amar ku bixiyey in la dilo isla markaana uu dhiigiisu banaan yahay qofkasta oo afla gaadheeya ama gaf ku sameeya Diinta Islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH.

Muslimiinta caalamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ayey ugu baaqeen inay joojiyaan iibsiga badeecooyinka laga keeno dalka France si xiriirka loogu jaro dalkaasi oo madaxdiisu ay u gafeen Nebiga.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya aya ka socdaan mudaharaadyo looga soo horjeedo madaxda dalka France iyo cidkasta oo isku dayda inay afla gaadhayso Nebi Muxamed SCW.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*