DAAWO-Deni oo soo bandhigay xogta safaro uu ku degey dalal dibadda ah & arrimihii uu kala hadlay

Madaxweyne Siciid Deni ayaa markii ugu horraysay ka warbixiyey safar uu ku tegey magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti halkaasi oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi iyo ganacsato u dhashay.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Jabuuti iyo ganacsatada dalkaasi uu kala hadlay sidii ay Jabuuti maalgashi uga samayn lahayd deegaamada Puntland si kor loogu qaado dhaqaalaha Puntland.

“Waxaan Jabuuti kulamo kula yeeshay madaxweynaha Jabuuti iyo madax kale, waxaana ka wada hadalnay xoojinta xiriirka ganacsi iyo sidii ay shirkadohoodu maalgashi uga samayn lahaayeen deegaamada Puntland” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha ayaan ka hadlin safaro uu ku tegey magaalada Dubai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta oo uu kula kulmay qaar kamid ah madaxda dalkaasi oo doorashada Soomaaliya il gaar ah ku haysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*