DAAWO-Garoowe oo xarumo ganacsi albaabada loo laabay & wasaarado canshuur isku haysta.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maalintii 2aad xiran guud ahaan xarumaha daabacaadda sameeya kadib markii ay cabasho xoogan ka muujiyeen lacago ay ku soo rogtey xukuumadda Puntland.

Mas’uuliyiinta shirkadaha daabacaadda sameeya ee magaalada Garoowe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay ka cabanayaan lacago ay ku soo rogtey wasaaradda warfaafinta Puntland taasi oo ay sharci darro ku tilmaameen.

Waxa ay sheegeen inay ruqsad ganacsi ka haystaan wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha Puntland isla markaana ay wasaaradda warfaafintu ku soo dalacatay lacago sharci darro ah oo aysan awoodin, waxaana ay ku baaqeen in hay’adaha sharcigu wax ka qabtaan arrintan.

Ugu dambayn waxa ay sheegeen inay keeneen adeegyo loo doonan jirey Hargaysa ama wadamo ka baxsan Soomaaliya aysanna xilligaan filanayn lacagaha xad dhaafka ah ee xukuumaddu ku soo rogtey.

Tiro dhowr jeer ah ayey horay u dhacday in wasaarado katirsan Puntland ay isku qabsadaan qaadista canshuuraha dowladda isla markaaana xarumo ganacsiga laga dalbaday lacago kala socda.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*