DAAWO-Maamulka Koonfur Galbeed oo farriin adag u diray shacabka iyo xukuumadda Puntland.

Maxamed Nuur Maxamed, guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga barlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

“Waxaan ogahay inay Puntland tahay hooyadii Federalka oo hirgelisey nidaam iyo kala dambayn xilli adagna u soo gurmatey Soomaaliya inteeda, waxaana ay gaartey horumar ay ku dayan karaan dowladaha kale”. ayuu yiri guddoomiyuhu.

“Waxaan kaloo Puntland ammaanayaa soo dhoweynta Puntland u samaysay shacabkii ka soo barakacay gobolada kale ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Koonfureed taasina waxay caddaynaysaa inay Puntland jeceshahay midnimada iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed”.

Ugu dambaynytiina guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka iyo dowladda Puntland inay ilaashadaan midnimadooda, amniga kala dambaynta iyo horumarka ay gaareen.

2 Comments

  1. -Maamulka Koonfur Galbeed oo farriin adag u diray shacabka iyo xukuumadda Puntland.
    Oo fariintaas maxeey ahayd???
    INEEY MIDNIMADOODA, AMNIGOODA,DAWLAD NIMADOODA,,IYO HORUMARKA MUSTAQBALKA
    DHOW IYO MIDKA FOGBA ILAASHADAAN.
    F,G) FARAX GEYLAN WAA KAAS WARKA
    OO TAFATIRAN
    DHAGAHAADA,WARSAN HA,MAQLEEN,INDHAHAAGANA, WAXSAN HA ARKEEN
    FARAHAAGANA, WARSAN HA, QOREEN

  2. SAAN HUBO DAD BADAN SHUBAN BAA KU DHACAAYA MAANTAY MAKREY MAQLAAN AMMAANTAAS QURUXDA BADAN OO PUNTLAND MUDAN TAHAY. WAA AMAAN SOOMAALOO DHAN WAAJIB KU NOQONAYA INAY MEEL KASTA KU XADREEYAAN. WIXII BAASTAR AH WAXAAN LEENAHAY KA NAXOW NAFTA WAA. GUUL GUUL GUUL PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*