DAAWO-Madaxweynaha maamulka Galmudug oo dagaal ku dhawaaqay & ciidamo loo diyaarshey.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan degaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Qeybta 21aad deegaano ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxa uu xusay in degaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Galmudug in dhawaan lagala wareegi doono, islamarkaana ay diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa.

DAAWO

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*