DAAWO-Puntland oo abaal marisay saraakiil iyo ciidamo ku sugan magaalada Boosaaso

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Bari gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa bilado iyo abaalmarino gudoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada booliis oo isugu jira saraakiil iyo askar booliis oo lagu abaalmariyey shaqadii ay ka qabteen magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.

Mas’uuliyiin katirsan dowlada Puntland oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaarada Tamarta, mas’uuliyiin heer gobol, maamulka gobolka Bari iyo saraakiil katirsan ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland.

Taliyaha ayaa dhammaan ciidanka kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan shaqooyinka ay shacabka iyo dalka u qabtaan si loo helo bulsho horumarsan waxaana uu Taliye xuseen u sheegay in ciidamada guta waajibaadkooda iyo kuwa qabto howlo dheeraad ah la dalacsiin doono abaalmarino kalan ay heli doonaan,

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*