DAAWO-Sheekh Rusheeye Yare oo Garoowe ugu yeertay reer Laascaanood & Puntland oo xarig ugu hanjabtay hadduu wax quraan saaro.

Sheekh Rusheeye Yare oo horay dadka qaab online ah quraanka kariimka ah ugu dawayn jirey ayaa dhowaan sheegay inuu booqan doono deegaamo katirsan Somaliland gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Sheekh Cabdullaahi Cumar Cabdi (SH RUSHEEYE YARE) oo ah maamulaha xarunta Cilaajka Daarul Towba oo warfidiyeenka kula hadlay garoonka ciyaaraha Classic Garoowe ayaa sheegya inay la soo xiriireen shacab Soomaaliyeed oo kunool Laascaanood ayna u diideen horjoogayaasha Somaliland.

Waxa uu sheegay in Garoowe ay tahay magaalo loo siman yahay qof walba oo Soomaaliyeedna uu imaan karo, wuxuuna ka dalbaday dadkii la soo xiriiri jirey ee ku sugnaa bartamaha, Bariga iyo waqooyiga Soomaaliya inay yimaadaan.

DAAWO

Dhanka kalena, wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Puntland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Sheekh Rusheeye Yare uusan wax shaqo ah ka qaban karin deegaamada Puntland, waxaana ay meesha ka saartay qorshihiisa magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*