DAAWO: Turkiga & Faransiiska oo markale dagaalamaya & Hadal culus oo jeediyey Erdogan caawa

ANKARA(P-TIMES) – Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta weerar dhanka afka ah ku qaaday dhigiisa faransiiska, Emmanuel Macron, taasi oo ku saabsan siyaasadaha Macron ee ku wajahan Muslimiinta.

Mr Erdogan ayaa sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay “baaritaan dhanka Maskaxda ah.

Macron iyo Erdogan ayaa ku muransan xuquuqda biyhaa bariga badda Mediterranean-ka, Liibya, Suuriya iyo murankoodii ugu dambeeyay oo ku saabsan dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyoArmenian.

“Maxaad oran lahayd madaxwayne dal oo malaayiin diin haysata ula dhaqmaya sidan, marka hore baaritaan dhanka maskaxda ah isku soo samee,” waxaa sidaasi magaalada Kayseri ka Yiri Mr Erdogan khudbad laga siidaayay telefishinka dalkaasi.

Soo jeedinta Macron ee ahayd in dalkiisa laga difaaco Muslimiinta xagjirka ah ayaa ka careysiisay dowladda Turkiga.

“Maxaa shakhsiga lagu magacaabo Macron daba dhigay Islaamka iyo Muslimiinta?” ayuu is waydiiyay Mr Erdogan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*