DEG DEG: Deni oo walaac kamuujiyey Xaaladda DPWORLD shaaciyeyna tallaabooyin ay qaadayaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in ay Xukuumaddiisu la socoto sida ay tahay xaaladda Dekedda Boosaaso, wuxuu sheegay in uusan fulin Heshiiskii dhexmaray DPWORLD iyo Puntland 2017kii.

“Waxaan bilownay khad kunteendhar oo bishii hal mar imaanaya dekedda Boosaaso, kaasi oo qayb ka noqon doona koru qaadista ganacsiga guud ahaan Puntland”. ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena madaxweynaha ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal arrintaan xal looga gaarayo wuxuuna yiri, “Waxaa kaloo socda wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan xal u helidda shirkadda DP World, taas oo 2017 ay heshiis rasmi ah ku wareejisey xukuunmaddii inaga horaysay barlamaankii xilligaa jireyna uu ansixiyey”.

Madaxweynaha ayaa markale yiri, “Xukuumaddu waxay aad ula socotey mudadii ay jirtey xaaladda dekedda Boosaaso, dedaal badan ayey gashay, qoraalo badan ayey ka diyaarisay iyadoo la kaashanaysa taliyayaasheeda dhinaca sharciga iyo maamulka ah”.

Ugu dambayntiina madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay inay wadaan qorshayaal xal waara looga gaarayo arrinta dekedda Boosaaso, aysanna doonayn in tallaabooyinkaasi ay saamayn ku yeeshaan xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaan xogo badan ka ururinay habka suurgalka ah ee arrintaa looga gaari karo xal midaysan oo aan saamayn ku yeelan xiriirka dowladda Imaaraadka iyo Puntland, kaasi oo ku koobnaan doona shirkadda DP World iyo P&O Ports”.

6 Comments

  1. Shacabka pl xiitaa ma oga heshiiska sida loo kala qaatay dp intey qaadatay iyo pland intay qaadatay iyo weliba dfsomalia inta kusoo hagaagtay maadaama ay federalja hos tagto

  2. UAE waa tuugo gatey carabtooda Palestine yay asxaan u sameynayaan. Teedakale maxamuud salabeen xaare xukun jecel DUF KUBAXA 22 sano ayey meesha joogeny weyna dhisi waayeen dekeda bosaaso waxeey mashqool ku noqdeen iney intey xamar iyo mooryan dhex fariistaan ka taliyaan taasi waa socon weyday. DADKA reer Puntland ha isku tashadaan iney goori goori tahay

  3. Cimaaraadka sida ee walaalahooda Yamen u galeen tusaale intaas ayaa ku filan.
    Midda kalane waxeey wali u tafa xeedanayaan in eey jasiirada Sokotara la wareegaan.

  4. Waxa nasiibdarro ah in Siyaasiinta Soomaaliyeed ayna fahamsaneyn cadowga ummadda Soomaaliyeed, ee ka soo qayb qaatay burburkii wadanka ee ilaa maanta daba taagan in Soomaaliya dib u kickin.
    Imaaraadka bal fiiri sida ay walaalahood carbeed ula dhaqmayaan. Yaman cadaawadda ay ka wadaan.jasiiraddii Suqadara Yaman waa ka faro marooniyeen. Adiga oo ah Afrikaan kor Madoobe ah, xagee joogtaa waxay kuu haystaan cabiid, Imaaraadku xataa waxay ka tageen diintii islaamka oo waad u jeedaa inay dhawaan sanamkii Hindidu caabudaysay ee Buddha wadankooda ka dhisteen. Muslimiinta ayey mijo xaabiyaan oo ay ka fara maroojaan dhulkooda.
    Soomaaliya waxay dagaal ku haayeen tan iyo sideetamaadkii ma ka warqabtaan? Inta fidno ee ay wadankeena u maleegeen hoos ka akhriso.
    Qarankii Soomaaliyeed oo shaqaynaaya oo awoodiisii leh ayey keeni jireen kutubadda kiristsanka oo afsoomaali lagu tarjumay. Boostadii waynayd ee Xamar ayey ka soo dejin jireen. labo, madaxda Soomaaliyeed ayey sumayn jireen Marka Imaaraadka u taagan Caafimaad. Waxay dhici jireen ganacsatada Soomaaliyeed dhagaxaanta dahabka ka ganacsatada.
    Dagaalkii sokeeye waxay ku dhaqaaqeen cadaawad aan hore loo arag.
    Cismaan Caato iyo kooxo kale oo wax ma garato ah ayey kula heshiiyeen in warshadaha wadanka la burburiyo iyo taalooyinkii aygoo ugu ballan qaaday inay Soomaaliya dib u dhisayaan oo ay casriyeynayaan. Cismaan Caato fillooyinka waaweyn ee korontada qaybinaayey uu habeenkii jarjaro oo Dubey u dhoofiyo 1989kii dawladdii oo weli taagan.
    Dawladdii markii meesha ay ka baxdayna waxaa la burburiyey warshadihii wadanka siday u dhammaayeen. Xataa warshaddii cusbayd ee Mareeray oo shaqaynaysa oo shaqaalihii dhex taagan yihiin ayaa laga dareershay oo la burburiyey biraheediina loo dhoofiyey imaaraadka.
    Tallaabadii ku xigtay waxay ahayd in beerihii qaranka Soomaaliyeed lagu beerio daroogo.
    Waxa ku xigtay in kutabadii qadiimka ahaa ee diinta islaamka ee asalka ahaa oo qaarkood far guri ku qoranyihiin loo dhoofsho Dubay. Kutubadaas qaarkood waxay jireen boqollaal sanno.
    Waxa ku xigtay in qubuurihii culumadii karaamada lahaa ee Soomaaliyeed la soo faago oo dubay loo dhoofsho.
    Waxaa xigtay in Haldoor Soomaaliyeed oo isugu jira siyaasi, aqoonyahay, odey dhaqmeed la ugaarsado oo lagu sumeeyo makhaayadaha iyo is itaalada Imaaraadka.
    Ugu danbayn waa tay soo galeen siyaasadda ee Xamar ciidanka ka dhex samaysateen.
    Waxaas oo fidno ah Imaaraadka ayaa ka danbeeyey oo maal galiyey. Dagaalkoodu wajiyo badan ayuu leeyahay kolba xeelado hor leh ayey la soo baxayaan.
    Hadda waxay xooga saarayaan inay Saldhigyo milateri ka samaystaan dekadaha Soomaaliyeed si ay xeebta dheer u qabsadaan. Waad u jeeddaan inay fariisteen Boosaaso iyo Berbera iyo Jubuuti. Jabuuti waa fahamatay maalin cad ayey iska buriyeen.
    Intaas waxa ka daran dhibaatooyinka kale ee qarsoon ee ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan. Waxaa jira dad mooryaan ahaa oo ay Dubay ka dhigtay odey dhaqmeedyo magac iyo maamuus leh oo ay hanti badan faraha u galisay. Xataa waxay adeegsatay oo ay maalgelisay cid Alle cidda ay istiraahdo Soomali col bay la yihiin.
    Waxan u sheegayaa haldoorka Soomaaliyeed iyo ganacsatada in ay iska jiraan cadaawadda Imaaraadka.
    Waxan talo ku soo jeedinayaa in dakadaha laga cayrsho, ganacsiga wadanka loo wareejiyo Turkiga. Walaalayaal aan isdaba qabanno. Turki oo Farsamo leh oo was walba samaysta oo yaqaan walaaltinmada iyo islaanimada ayaa diyaar noo ah. Turkiga la wabsada. Dakadaha bangiyada Turkiga ayaa deyn idiin ku dhisaaya. Maxaad u taba taagantihii qolo islaamka oo dhan cad u ah oo ku soo wajahan oo ku burburinaaya rabana inu dhulka rabbi nagu manaystay kaa qaado adigana gumaysi ku galiyo.
    Imaaraadka iyo Sucuudigu waxay hirtaagnaayeen inu baansiinka Soomaalidu soo baxo muddo ka badan 60 sannadood. Sharikadaha bansiinka qodaaya ayaa ay lacag x-as dhaaf ah siin jireen oo ay wadanka ka cayrin jireen.
    Baansiinka 3 ilaa 19 sannadood ayaa lagu soo saaraa.
    Kenya oo dhawr sano ka hor bilowday ayaa loo soo saaray oo hadda dhoofisa. Itoobiya waad la socotaa iyada inay dhoofinayso.
    Imaaraadka maxaa idin daba dhigay, aduun iyo aakhiro idin seejiyeenne.
    Nabadgelyo.

  5. Immarates waa yay aad uxun somaliyay
    Cariyay tugtaas baabisay islaamkii
    Turkigay waxay larabeen waad ogtihiin
    Allaah baabadbadiyay
    Puntland iyo somalida kalaba turkigaga
    Kuxirta iyo qadar inkasta oo carabi
    Ixsaan lahayan hada qadar kaash bayhaysaa
    Turkina technology buuhayaa inta aan sosaranayno shidalka aan kumaalgaarno
    Qadar laakiin turky waa walaalkeen
    Nagawayan runtii

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*