DEG DEG-Maxkamadda Puntland oo xukun dil ah ku riddey kuna fulisey nin hooyadiis dil u geystey.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyey nin lagu helay kiis la xiriirxa inuu deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal ku diley hooyadiis.

Maxkamada sare ee Puntland ayaa saaka go’aan kama dambays ah ka gaartey xukumada maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka waxaana ay dil toogasho ah ku xukuntay xukumane Faarax Cabdi Caagane, iyadoona isla maanta lagu fuliyey xukunkaasi.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa waxaa la horkeenay eeda Faarax Cabdi Caagane oo loo haysto inuu saddex bilood ka hor dil u geystey hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle oo dilkeedu ka dhacay deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee kiiskaan gacanta ku hayey ayaa sheegay in la horkeenay caddaymaha iyo marag muujinta in Faarax uu diley hooyadiis isagoo caafimaad qaba.

4 Comments

  1. Inaa lilaah wa unaa ileyhirajucuun.
    Waa geeri naxdin leh oo aan aad uga murugooday waayo laba qofba waan garanayaa.
    Waa Reer Holland,
    Marxuumad Caasha waxay ahay qof aad u wanaagsan waxay iila dhaqmi jirtey inankeeda oo kale, qof naxariis badan oo dadka u fiican ayay ahay alah haw naxariisto, wiilkeeda ayaa sabab looga dhigay dhimashadeeda.
    Cali caagane ayaan u aqaan Eedaysanaha hooyadii dilay,
    Cali wuxuu ahaa dhalinyaradii aan kusoo wada kornay Holland saaxiibna qaaliya ayuu ahaa, nin Qalbi wanaagsan, dadka ixtraama, deeqsi ah ayuu ahaa,
    Mudo gaaban ayuu cali yara isbedel ku yimi oo uu magaalada si fiican u galay, mudo badan ayaan la taliyey inuu waxan ka baxo caadigiisii kusoo noqdo,xitaa dhowr jeer waa la xidhay, anyway saaxiib cali hogaankii ayaa markii danbe u go’ay meel aanu kasoo noqon karin ayuu gaadhay,
    Markii ugu danbaysay waa la celiyey dhinaca Gaalkacayo ayaan maqlay,hooyadiina way ka daba tagtay bal inuu isbedel samaynkaro oo dhibkii ka baxo.
    Waxay igu noqotay filan waa iyo geeri naxdin leh maadama aan si fiican u aqaan Reer Caagane isku magaalo kusoo wada karnay Holland.
    Ilaahay haw naxariisto labadaba.
    Waa kaa dhimay oo kugu dhimay, qoyskii reer caagane samir iyo iimaan Eedo Xaawa iyo wiilkeeda lagu sababay isna maanta tiirka la geeyey.
    Goblan Talo Aduunyooy maxay Galaba meel joogtay waayaha Aduunyada nina waari maayee wadhiyeey hakaa hadho.

    • Waad mahadsantahay, sheekada murugada leh ee aad nala wadaagtay iyo aqoonta aad u lakayd, waxaa laga yaabaa in inanka maskaxda wax uga dhinnaayeen, kollayse nin hooyadii dilay, waali waa ka daran yahay, 2 nin oo abtiyaaladay ah oo Kaskada wax uga dhinnaayeen, hooyadood ma dili jirin. Tollay ninka la dilay haddii uu yahay muwaddin haysta dhalashada Holland maxay noqon doontaa illeen Holland lagama oggola dilka eedaysanayaasha, tan kale, Ina Farroole hooyadii isba waa dilay oo lama dilin maalina lama xidhin, taasi ma caddaaladda Somalida ee miskiinka uu qabata baa?
      ILlaahay hooyadaa how naxariisto, wax baa gaadhay, dedaalkii inankeedu inay qayrkii raaco baa halkaa la galay,

  2. @Sihaam Hassan.
    Gudoon salaan sharafeed marka hore, walaal si fiican ayaan qoyska u aqaan, inanka la dilayna saaxiib dhow ayaanu wada ahayn is raaci jirney meel walba, inan aad u wanaagsan ayuu ahaa runtii qalbi wanaagsan, dabeecad, akhlaaq wanaagsan iyo guri wanaagsan lagu soo koriyey.
    Nasiib daro Cali anigu waali kumaan ogayn laakiin suuqa ayuu aad u galay waana looga taag waayey, mudooyin kala duwan xabsi ayuu galay xitaa waxaa jirtay in uun mar nin cadaana Nabar xun ku dhuftay oo uu mudo dheer xidhnaa, Eedo Xaawa waxay u geysey Gaalkacayo waxay ahayd dhaqan celin iyo bal inuu wax kusoo qaato, laakiin nasiib daro Hooyadiina Wuu dilay isna tiisii Galaafay.
    In badan ayaan talo siiyey inuu joojiyo Suuqan iyo dhibkan uu lasoo baxay wuxuu igu odhan jirey waayahay waan qaatay taladaada, xitaa meelo badan baan kawada shaqyn jirney isku school xitaa waan isla soo marnay nin qaaliya ayuu ahaa Ilaahay haw Naxariisto.
    Sihaam walaal waa run cadaalad maaha xitaa haduu xanuunsatay in la dilo maaha waayo maaha qof dhan, laakiin somalidu iyo Aduuntaduba qofka miskiinka ah ee bilaa Awooda ah ayaa la dulmiyaa waana cadaalad daro.
    Anigu sheekada july mar aan holland ku noqday ayaan maqlay laakiin waxaan islahaa waa layska daayey maadama xaga maskaxda uu inanku wax kayara noqday, saaka ayuun baan warka arkay.
    Aynu u ducayno samir iyo iimaan reer Caagane.

  3. waa war naxdin leh. mandooriyuhu dhibtiisu ma yara. ninkaan aqoon uma lihi laakiin waxaan u malaynayaa in uu asalkiisu yahay mudug. waayo sharciga puntland waayahaan dambe waxuu si toos ah u qabtaa reer muduga kaliya. dil waarid iyo kufsi dil lagu daray waa ka dhacaa dagaanada puntland badankood laakiin ma maqlaysid cid aan ahayn reer mudug oo sharciga lagu fulinayo. cajiib. laakiin kheyr waxuu ugu jiraa reer muduga waayo dhibta iyo xaqdarada iyo mutakarnimada puntland ku baahday ayaa dhakooda ka yaraanaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*