DEG DEG-Somaliland oo ciidankii ugu badnaa ku daabushay magaalada Laascaanood & malayshiyaad ku qulqulaya.

Xiisad u dhexaysa ciidanka booliska maamulka Somaliland iyo malayshiya beeleed hubaysan ayaa ka taagan magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool, kadib rabshada xilli hore oo saaka ah ka dhacay gudaha magaalada.

Xiisada ayaa ka dhalatay, kadib markii rag maleeshiyaad ay si xoog ah xabsiga Laascaanood ugala baxeen saddex ruux oo muddo ku xirnaa, isla markaana lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa warbaahinta u sheegay in dadka maleeshiyaadka ay xabsiga kala baxeen ay yihiin kuwo dad shacab ah ku dilay weerar ka dhacay koonfurta Laascaanood, balse markii dambe gacanta lagu soo dhigay.

Shaqsiyaadka lagala baxay xabsiga waxaa la sheegay inay kamid yihiin malayshiyaad dad rayid ah ku diley weerar ka dhacay deegaan koonfur ka xiga Magaalada laas-caanood, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen la bixitaanka Saddexda ruux ee dilka geystay, sida ay sheegeen dada ku sugan Magaalada laas-Caanood.

Mallayshiyaadkii sida xoogga ah kula baxay dadkaani ayaa waxaa la sheegay inay 3da qof ee ay la bexeen ay la aadeen Magaalada Kala-beyr ee dalka Itoobiay xilli aan weli la aasin meydadka dadkii shacabka ahaa ee dhowaan ay dilka u geysteen.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*