DEG DEG-Somaliland oo deegaamadeeda ka mamnoocday inay yimaadaan dadka ka socda Soomaaliya inteeda kale

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqday inay guud ahaanba deegaamadeeda ka mamnoocday inay shirar, siminaaro ama kulamo gaar ah u yimaadaan dadka ka socda gobolada Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxxa ay sidoo kale, ururrada bulshada rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland ka mabnuucday inay ka qayb-galaan Siminaarrada, shirarka iyo kulamada lagu qabto Soomaaliya.

Sidoo kalena waxaa laga mamnoocay in Somaliland la keeno dad ka socda Soomaaliya, si ay dalka ugaga qayb-galaan Siminaarro ama kulamada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Somaliland oo bishii August ee sannadkaan 2020.

Qoraalkaan ka soo baxay xukuumadda Somaliland oo loo qaybiyey hay’adaha kala duwan ee ay qusayso ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabo cad laga qaadi doona ciddii fulin wayda.

7 Comments

  1. Waa go’aan sax ah oo weliba aad loola soo raagey. Waxey aheyd in Xasan Shiikh berigii uu joogay la qaato go’aankaas.

    Soomaaliya wey heysataa meelo nabad ah oo ay seminaaradeeda ku qabsan karto. Hay’adaha UNta ee waxaas wadey hadaf kale ayaa ugu aasnaa umuurahaas. Waa Illaahay mahadii hadii god walba oo kasoo gala isleeyihiin laga gufaynayo. Weliba waa inaanu dhagax walba rognaa oo inta cayayaan ee aanaan garaney ee ku hoos gabanaya buufinaa. UNtu hadey farogelinta deynweydo oo aanay rabitaankayaga ku dhaqmi Karin laga eryaa Somaliland sidii wakiilkeeda Siilaanyo u mamnuucay berigii uu is macnee is yidhi.

    Puntland iyo xitaa Muqdisho seminaaradan wey ku qasan karaan. Ama Amisom haku illaaliyaan Muqdisho kuweeda ama Puntlandna ha keenaan iyaga ayay jirtaa. Hadaaney isku aamini Karina Nairobi xitaa hakala dhacaan. Qushigood. Hadafku waa in la joojiyo sawir walba oo fikrad khaldan bixin kara. Dhowr qof oo maalin labo ama usbuucba jooga Hargeya oo woxoogey yar loo sheego ama malmaluuqaa anagana dheef weyn kuma qabno iyagana waxbadan ma faa’iidayaan. Kaadiriinta UNta heshiiska la gasho ayuunbaa lacagaha badan ee Soomaalida lagu asteeyo jeebadaha ka buuxsaneysa.

    Siyaasad iyo dhaqaaleba Somaliland waxba kumey qabin. Hadey Somaliland kolkii hore xeerin jirtey in Soomaaliya amni daro owgeed wax loogu dhex sameyn jirin, maanta kama jiro amni daro baahsan oo waataas lakala shaqeysanayo. Somaliland uma baahna wax weli sii muujinaya in weli siyaasiyan la’iskugu xidhnaan karo iyo waxey Soomaaliya ugu yeedho is dhexgal bulsho oo siyaasadi ku hoos duugan tahay. Waa wax aanu sugeynay iney dawladayadu shaqo ka qabato oo kabtaas iyo xaarkeedaba isla tuurto.

  2. kkkk horta hore halaweydiiyo shicibka reer somaliland in ay ka maarmaan somalia inteeda kale. 20% dadka ku nool oo ka shaqaysta puntland waa reer hargaisa iyo reer burco. xaataa waa ka badan yihiin barakacayaasha koofureed. muuse biixi waa in horta hore dadkiisa la noqdo markaas kadib uu sharcigaas soo saaro

  3. Abdiweli

    Waar waad ka dhacsantahay mawduuca laga hadloyoba. Dadka shicibka ah ee kala ganacsanaya lagagama hadlayo halkan. Waxa laga hadlayaa waa Siminaarada ay UNtu ku qabato Somaliland ee Reer Soomaaliya ka qeyb galaan. Waxa la mamnuucay waa programyadaas. Marna dad laga keenay Muqdisho, Baydhabo, Jawhar, Garoowe iyo meelahaas kale. Program yadaas oo UNtu wax badan ku hoos qariso. Mar ay lacagta loogu talo galay in wax lagu qabto ku boobto iyo marna ay siyaasad silani ku hoos duugan tahay.

    Dadka shicibka ah ee kala ganacsanaya cidina kama hadleyso. Mida kale Reer Puntlandba Somaliland si weyn bey uga ganacsadaan una degen yihiin. Kuwaas hadii lakala ceshanayo dee idinba wey ku wax la dihiin.

    Sidaas ula soco mawduuca oo meel kale haka fikirin.

  4. Somaliland waxba ma diidin, waxa keliya tiri “waa in waraaq ogolaansho laga soo qaata wasaarada Qorshaynta iyo wasaarada arrimaha dibada”.

  5. Ahmed Shiine

    waan qirtay khaladkayga. ninkan la yiraahdo gayland ayaa nagu wareeriyey cinwaanadiisa guracan. waa sax cidii u socota hanti bob iyo maalin ku naaxnimo waa in la karantiilo.

  6. Abdiweli

    Allaayacisak sxb. Dadbimadu waa qirasho iyo baabah.

    Qoraalkan isagoo si saxa u qoran ayaan anigu wargeyska Geeska Africa kasoo akhristey. Dabadeedna halkan ayaan ku arkay. Ciwaanka’se waa la badalay. Waa iska soo jiidasho si loo click gareeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*