DEG DEG-Xiisad ka taagan gobolka Sanaag iyo ciidamo katirsan Puntland oo ka baxay Badhan kuna wajahan Laasqoray

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheeya in dhaqdhaqaaqyo ciidan inay ka socdaan deegaamo ka agdhow degmada xeebta dhacda ee Laasqoray.

Arrintaan ayaa timid kadib markii kooxda Alshabaab ay sheegtay inay maalmihii la soo dhaaftay la wareegtey gacan ku haynta in ka badan 4 tuulo oo hoosyimaada degmada Laasqoray.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland General Cabdullaahi Cumar Canshuur iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ka baxay magaalada Badhan iyagoona ku wajahan deegaamada xiisaddu ka taagan tahay.

Goob joogayaal ku sugan deegaamada Qaar ayaa noo xaqiijiyey inaysan jirin ciidamo katirsan Alshabaab oo deegaanka qabsaday haseyeeshee ay marmar soo galeen kana baxaan marka ay ka danaystaan.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*