DEG DEG-Xiisad ka taagan magaalada Laascaanood iyo malayshiyaad weeraray xabsiga dhexe oo maxaabiis la baxay

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu hadda ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta Saddex Ruux si awood ah ugala baxeen Xabsiga dhexe ee Magaaladaas.

Shaqsiyaadka lagala baxay xabsiga waxaa la sheegay inay kamid yihiin malayshiyaad dad rayid ah ku diley weerar ka dhacay deegaan koonfur ka xiga Magaalada laas-caanood, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen la bixitaanka Saddexda ruux ee dilka geystay, sida ay sheegeen dada ku sugan Magaalada laas-Caanood.

Mallayshiyaadkii sida xoogga ah kula baxay dadkaani ayaa waxaa la sheegay inay 3da qof ee ay la bexeen ay la aadeen Magaalada Kala-beyr ee dalka Itoobiay xilli aan weli la aasin meydadka dadkii shacabka ahaa ee dhowaan ay dilka u geysteen.

Magaalada ayaa jawigeedu yahay mid kacsan xilligaan, waxaana la hadal hayaa maleeshiyaadka hubeysan oo sida awooda ah Saddex ruux oo loo heysto dilka ugala baxay Xabsiga Dhexe ee Magaalada laas-Caanood.

4 Comments

  1. Reer las-caanood waxa kaliya ee ay ka gilgishaan waa xabsi. kkkk .

    wadan laga dhacayo shuqulkood ma aha. very smart people. going To jail is a horoble Event.

  2. @@@@ A.A.XADE & JAMAAMU

    Ninkii sirta qaranka gatay inuu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda mar dambe ayaan xusuustay. Waxaan filayaa in la oran jirey hebel Ducaale.

    @@@JAMAAMU

    Waxaan filayaa inay fiican tahay in waxyaalihii loo wada joogay ee la wada ogaa aan been laga sheegin. Waa run qisadii murugada badnayd ee ragga Isaaqa ah ee guryahooda lagala baxay ee lagu laayey xeebta Jaziira. Waxayna ahayd arrin Soomaali oo dhan ka murugootay ilaa xad Cabdi Shire oo ah saxafi Mareexaan ah uu ka qoray buug la oran jirey Xeebtii Geerida isla waagii xukuumaddii Maxamed Siyaad jirtay. Arrintaasna waxaa lagu eedeeyaa nin Mareexaan ah oo jeneral ahaa oo isagu si shakhsiyan u fuliyey uguna takrifalay. Dadku waxay yiraahdaan wuxuu ugu aarayey kornayl Mareexaan oo la dilay maalin bannaanbax dhacay oo dilkiisana lagu tuhmay dad reer waqooyi ah.
    Xukuumaddii waxay eed ku lahayd inaysan dadkii ragga xeebta ku xasuuqay ee arrinkaas fuliyey caddaalad horkeenin.

    Tan kale, Xamar keligaa ma joogin oo anigu waan joogay; kama dhicin ugaarsasho dadka Isaaq ah lagu ugaarsado ilaa ay gaarto heer carruurtooda looga baqo saqiir-gowrac. Haddii sidaa loo ugaarsanayo sow kumanaan lama dileen? Ma ii sheegi kartaa marka laga reebo ragga xeebta lagu laayey, qof kale oo Isaaq ah oo Xamar ay ku dishay xukuumaddii Maxamed Siyaad?

    Beri dhexdaas ah Axmed Shiine baa wuxuu soo qoray inuu Huriwaa ku arkay gawaari iska-rogooyin ah oo daadinaya teesareyaashii dad xukuumaddii Xamar ku laysay! Waxaasi wax logic ma yihiin? Ma inta dowladdii hoose la tegay ayaa lagu yiri keena hebel iyo hebel oo la dilay teesareyaashoodii? Maxayse macne ah oo sameynaysaa in qof la dilay teesarehiisa kudaafadda la geeyo? Yeyse ahaayeen boqollaalka qof ee la gumaaday ee teesareyaashooda la daadinayey? Raggii Isaaq ee xeebta lagu laayey iyo ishudhac dhexmaray Abgaal iyo Galgale oo isagana aan dhimasho badan ka dhalan, labadaas ka sokoow, ma jirin dad lagu laayey Xamar intii xukuumaddii dhexe jirtay ee ka horreeysay dagaalkii Xamar ka bilowday Jan 1991. Marka, nimanyahow wixii dhacay waa la wadaa ogaa, dalkana waa la wadajoogay ee markaad wax sheegaysaan, sheega wax run ah ee ha sheegina waxa aad dadkiinna ugu sheekaysaan marka la joogo Hargeysa si aysan colaaddii uga bogsoon, Soomaalinimadana uga sii cararaan.

  3. @A.Arar.
    Waxay ahayd arinta Jasiira Afkalaqaad iyo uurkutaalo aan sinaba maanka uga bixin arimida ay reebtayna waynu wada garaneynaa iyo halka xaal ku danbeeyey.
    Sheekooyinka lagu bartilmaansanayey Isaaqa aad ayay u badnaayeen,tusaale.
    Anigoo aad u da’yar qiyaasta xiligan waxaasu dhacayeen kuuna sheegay in laygu qarin jirey habeenkii guri nin majeerteen ah lahaa runtii nin wanaagsan ahaa xaaskiisu waxay ahayd cadcad waanu iska soo horjeednay xaafadiisa waxan u kaxaynayaa markii dib u waraystay in laygu yidhi wuxuu madax ka ahaa mashruucii Sonkorta Jowhar. Ninkaas ilaahay ha xafido haduu noolyahay haduu dhintayna ilaahay godka haw nuuriyo wuu na badbaadiyey wax wanaagsan ayuu sameeyey dulmi ayuu ka hortegey ilaahna wuu ka abaal marinaya manages inshalah.
    Hadaba Ararow waxa aad u badnaa tacadiyada faraha ka baxay tusaale.
    Gawaadhi aanu lahayn marwalba waa layska xidhan jirey xerooyinka ciidamada iyadoo lagu eedaunayo taakulayn Snm.
    Iga rumayso inta jeer ee aan mamada raacay si gawaadhida loosoo dagayo,xitaa waxaan xasuustaa maalin aan sii raacay oo aanu tagnay gurkha col Canjeex Si gaadhiga oo yaalay xerada 77 loo soo daayo, maalintaa dhib weyn ayaa naga qabsaday waa sheeko dheer, waxaan ugs socdaa tacadiyadu dial keliya kumay ekayn dhibaatooyinka faraha badan ee maskixiyan ayaa aad u badnaa waxayna ahaayeen Argagax.
    Xaafada aanu degenayn waxa wada degenaa wada madax sare hadaan wax ka xuso,
    Maslax maxmed siyaad waxa noo dhaxeeyey 6 guri inkastoo gurigaasu ahaa guri tumasho keliya ahaa sida lay sheegay beri danbe, nin haystey bank dhexe dhulbahante ahaa isna waa degenaa, qunsuliyada masaarida, laba cornayl oo ciidamada ah derisbaanu Shaun, guriga bila Rafle wuu nagu dhawaa iyo madax badan oo aanan hada xusi karin,waxan kale degenaa Nin la odhan jirey Xuseen weyne mareexaan ayuu ahaa sida maqlay kol danbe.
    Hadana waxaas oo madaxa ee aanu deriska ahayn dhibka socday ama nalagu hayey way ka dhega la’aayeen cajiib cajiib.
    Xaafadu waxay marwalba si daadka u mari jirey koofiyad casta maadama meeshu wada madax degeneyd.
    Calaa kuli xaal marka waxaas oo dhan dhacayaan kuwii dowlada isku sheegay agtooda waxaa lagu samaynayo dulmiga laga aamuso iyo tacadiga umada waxa dhaxalkeedu noqonayo waa halaag iyo cidhib go waana taa maanta taagan.
    Iga rumayso inaan nacayb qabiil gaara igu jirin laakiin aan sheegayo wixii aan usoo joogay waliba anoo inan yar ah.
    Waxa jira sheekooyin badan oo xitaa askartii vilada dhowrjeer na dhex martay kuwada lahjadeyda xitaa laygu qabsaday.waayo deris baan Madaxtooyada la ahayn.
    Markaa sxb dhibka nagu dhacay ma yarayn laakiin waa laga soo gudbay keliya inaan la dafirin Rajiimkaas Daalimka ahaa ee umada halaagay keliya weeye inaan marwalba xusno si aanay never ever u dhicin laakiin qabiil nacayb igama ah Xaasha xaasha.

  4. MALEESHIYAADKA WAX XOOGA KULA BAXAY DHIB AYAY SOO KURDHINAYAANWAX FADEDO WAR NEELEYE AHMED DADKA FOWDADA KADAAYE QAMRI BADEN AYAY KA DHIRGEEN WAXNA MA BARTAAN WAA DABALO MESHA DAD KALE SCHOOLO JAMACADO KA BAXEEN AQIRINA WAA LA EDENWEYDENAYAA DADKA MASIIKIINTA AH EE AAD DISHEEN

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*