DEG DEG-Xildhibaano ku sii qulqulaya xarunta barlamaanka Puntland & mooshinkii oo la..

Xildhibaanada golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa saaka isugu imaan doona kal-fadhigooda 47aad oo uu dhowaan furay madaxweyen Siciid Deni maalmihii ugu dambeeyeyna fasax la geliyey.

Dib u furista kulamada barlamaanka ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyey xildhibaanada qaar ay mooshin ka diyaarinayeen labada guddoomiye ku-xigeen ee golaha wkaiilada Puntland.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in mooshinka la carshaasheeyey uusanna ahayn sidii hore waxaana furfuristiisa dedaal dheer ku bixisay sida xogta aan ku helnay madaxtooyada Puntland.

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa saaka ku sii qulqulaya xarunta golaha shacabka waxaana ku sugan warbaahinta afka dowladda ku hadasha iyo howl wadeenada xarunta golaha shacabka sida aan wararka ku helayno

La soco wiixi ka soo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*