Dhaqdhaqaaq ciidan oo saaka laga dareemayo jiidaha dagaalka & ciidamo xalay gudoodi ku galay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay duulaan culus oo howlgallo qorshayna kana dhan ah ururka Al-Shabaab ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliska ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen inay Ciidamada sigaar ah howlgalka uga sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Ciidanka intii uu howlgalka socday inay bur-buriyeen goobo badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ,isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.

Wadada u degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanku sheegeen inay ka cabsi qabaan dagaal ka dhaca deegaankaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*