DP World iyo dekedaha Bosaso & Berbera,”Ma dadkaa kala wanaagsan mise maamulada kala xilkassan?

Labadan dekedood ee sawirka hoose ka muuqda ka muuqda waa Boosaaso iyo Berbera, labaduba waxay kuwada yaalaan marinka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, Istaraajiyada goobta ay dhacaan ayaa u soo waariddey in Shirkad laga leeyahay Imaaraatka Carabta ay la wareegto sannadkii 2017-kii, kaas oo lagu sheegay in Malaayiin Dollar lagu maalgalin lahaa.

Berbera, waxay u muuqataa in lahirgaliyey 60% Shaqadii heshiiska sida ay sheegtay Somaliland, soona bandhigtay oo aysan qarsan, waxaana la dhisay dhisme dekedeed heer caalami noqonaya oo ay walaac ka qabaan deriskeeda Jabuuti.

Dadaalka shaqada ayaa ku yimi Isla xisaabtan Mucaarad iyo Muxaafid (Biixi imaanshihiisii Xaafiiska DPWORLD wuxuu sheegay in jadwalka la raaco,  haddii kale Heshiiska ay kabaxayaan Somaliland ahaan, dadweynaha oo baraarugsan iyo dollarkii horumarinta loo qaatay oo khasnada dawladda lagu shubay.

Dhanka dekedda Boosaaso, iskadaa dhismaha deked cusub ee middii ay ka tagtay xukuumaddii Kacaanka Siyaad Barre ayaa halis ugu jirta in la waayo, dhammaan Marinadii gaadiidka Baddu ka xiran lahaayeen ayaa Ciid buux-dhaafisay, P&O oo katirsan DPWORLD ayaa u haysata qaab u e’eg curaar (RAHMAD).

Barlamaanka Puntland oo kal-fadhigii ugu dambeeyey la horkeenay dibu-eegista heshiiskii dekedda Boosaaso ayaa dib u dhigay waxaana uu kamid noqon doonaa qodobada ugu adag ee horyaal kal-fadhiga 47aad oo 25 October ka furmi doona Garoowe.

Wasiirka dekedaha Puntland ayaa kal-fadhigii hore barlamaanka ka dalbaday inay arrintaan dib u dhigaan maadaama Corona ay ku marmarsiin yoodeen qolada DP World, wuxuuna balan qaaday inuu war cad ka keeni doono kal-fadhiga xiga.

14 Comments

  1. Masha Allah waa warbixin macno weeyn Ku fadhida, runtiinaa hadaan dhan walba ka eegay DP WORLD BERBERA ayay toos umaalgashatay maadamaa ka istraatijiisan tahay mida BOSASO oo dhanka jooga biyaha ayay DP WORLD sheegtay markay LA wareegaysy mida Berbera in biyuhu ka jooog dheeryahiin mida bosaso oo 780 mitir ka dheertahay.

    Sidaas bay ukala iatraajisan yahiin waanaa sababta DP WORLD BERBERA Uga doorbideen mida P&O ee BOSASO !

    • Wax saxa ayaa dadka loo sheegaa haddaad wax sheegaysid joog 780m ah waa 1km ku dhowaad biyaha badduba intaas ma gaaraan xattaa haddii bad wayn la tago, marka laba xeebood ayaa 780m is dheer moolka biyaha waa xisaab khaldan.

      • The average deepness of the ocean is 3413 meters. The deepest is over 10,972 meters.

        Sxb iska hubi xisaabtaada. Si dhib yar baad u heli kartaa runta hadaad baadho.

      • Aniga nin Ingiriis ah ayaa ii sheegay oo 22 sano Dekedo dhisayey, wuxuu yidhi, Dekedda Berbera waxay leedahay deep water oo ah 8 mitir, halka tan Boosaaso leedahay 4 Mitir. Markaa 780 mitir waa inta Dekedda Badda la gelinayo oo alaabta la dhigayo,

  2. Runtu waxay tahay Majeerteeniya intay Iidoor wagashle Copy gareeya islahaayeen ayay dabin Ku dhaceen,heshiis mugdi Ku gadaamanyahayna la galeen shirkad aan jirin oo mafiyo ah,kana qaateen laçag 35 Milyan,waxana kala qaatay Gaas iyo Deni,hadana dekedu waxay u rahmantahay lacagtaas oo haday iska bixin waayaan waxay ka dhiganayaan saldhig milateri oo waxay ka kiraynayaan dawlada Imaaraatka so ay uga dhigtaan Store,bakhaaro hubka ay dhigtaan,dhawaana waxay Ku darsanayaan kaluunka iyo macdanta oo ay u qaadanayaan lacagta ka maqan iyo ajnebigii dekeda lagu dilay oo Familygiisa ay siiyeen $15 Milyan

    35 + 15 = $ 50 Milyan dollar

    Ma iska bixin karaan??

    No

  3. Dekedaha Betbera iyo Boosaaso marnaba iskumey miisaan aheyn. Ta Berbera ayaa weligeedba ka miisaan culeyd. Sidaas oo ay tahay hadana hagaajinta iyo balaadhinta dekedu waxey ku xidhan tahay dhaqaale. Sidey ku kordhineyso cadadka kasoo degidoona ama ka bixi doona waa arin kale.

    Labada heshiish ee DP world la kala gashay Somaliland iyo Puntland hadii la eego dollar ahaan dekeda Bosaaso ayaaba ka yara badneyd ta Berbera sidii wararkooda loosoo gudbiyay. Hadaba maxaa keenay in midna heshiiskii fulintiisu si wanaagsan u socoto, midina aanu bilaabanba?

    Labada shicib makala wacna oo shicibka Somaliland sidey wadankooda u jecel yihiin ayay kuwa Puntlandna maamul Goboleedkooda u jecel yihiin. Labada Dawladoodna anigu is barbar dhig ku sameyn maayo, waayo labo mabda’ ayay ku kala shaqeeyaan. Tayadooduna aad ayay u kala duwantahay, una kala sareysaana. Kolka aynu heshiishka ka hadalno’se, heshiis waa heshiis uun. Waa in sidiisa loo fuliyaa. Muhiimada heshiiskuna waa in qodobadiisa la eego oo laga taxadaro si aanan laguu hoos gelin ama lagu darsan qodobo hadhow adiga ku xanibi ama dabri doona. Qodobada ayaa wax walba kala saara. Anigu waxaan odhan lahaa waxa sartu ka qudhunsan tahay qodobada heshiiskaas ku jira. Shirkadina kuma dhacdo iney waxey doonto iska sameyso. Waa hadey rajo ka leedahay meesha iyo sumcadeedaba’e. Jawaabtii ay dhowaan Maamulka Puntland siisay ee ahaa anaga noo dabo fadhiista fulinta heshiiskana waxa ka muuqdey isku kalsooni weyn. Qodobada dib haloo eego ayaan anigu odhan lahaa.

    Dhanka kale, heshiiska dib waa loo geli karaa oo wax ka bedelbaa lagu sameyn karaa, sida tii uu Muuse Biixi ku sameeyay Dawlada UAE ee uu ku qanciyay in Madaarka Berbera heshiiskiisii wax laga bedelo. Sadex sanadood dabadeed Puntland xaq iyo wax ka badanba wey u leedahay iney heshiiskaas dib u eegto, wax ka bedesho qodobada aanay ku qanacsaneyn. Hadii ay arki weydo wax qancin karana ayba ka baxdo.

    Puntland aad iyo aad ayay ugu fududahay iney ka baxdo heshiiska. Somaliland iyadu maal geshi kale oo ay soo jiidato ayay dooneysaa. Aqoonsi ayay rabtaa. Ganacsi baaxad weyn oo ay Ethiopia sanado dhan kasoo shaqeyneysay ayay rabtaa inuu dhowaan hirgalo.waxaas oo dhan ayaa ka kala daadanaya hadey si dhib yar ayaan uga baxayaa heshiiskaas iska tidhaa. Sidaas oo ay tahay’se marnaba mey aqbasheen waxa Puntland lagu sameynayo. Waayo waan baahanahay bakhti horeyba wey u diidey iney u cunto. Puntland iyadu maaha maamul gaar u taagan oo sharci qaban karo. Xitaa uma baahna in uu Baarlamaanka Xamar joogaa qaadaco wax sidey qaar hore halkan uga yidhaahdeen. Iyagoo daliishanaya qodobada lagu xadgudbey eenan la fulin ayay iyagu eryi karaan shirkadan. Xitaa hadey hore qodobada qaarkood ugu ilduufeen, gorgortan ayay ka geli karaan qodobada. Hadey ka waayaan waxey rabaana wey eryi karaan shirkadan. Maxkamad Caalami ah ganaaxi kartaa ma jirto. Sumcad xitaa ka lumeysaa ma jirto, waayo waxey soo bandhigi karaan in 3 sanadood ay shirkadaas sugayeen ayna waxba qaban weydey. Xaqna ay u leedahay in ay diidi karaan, eryina karaan shirkad iyaga dhiiga ka miiraneysa. Shirkad noocaas oo kale ahna aaney soo dhaweysaneyn mustaqbalka.

    Ugu danbeyn iyo gunaanad. Hala eego qodobada heshiiska. As they say, ‘the devil is in the details’.

  4. Waxa ugu weyn ee hortaagan in shirkadu bilowdo dhismaha Dekeda waa AMNIGA AJNEBIGA AY DEBEDA KA KEENSAN LAHAYD EE QAAR DHISMAHA QAABILSAN YIHIIN

    Heshiisku wuxu ka buray dhanka Pudland maadaama ay damaanad qaadeen amniga shaqaalaha ajnebiga ah,kuna fashilmeen wayna adagtahay ajnebi cabsi dareemay siday kalsoonidiisu kusoo laabataa

    Shirkadu shaqaale ajnebi ah kuma aamini karto inay keento,waana fashil dhanka maamulka ka yimi,si cad ayaana loogu sheegay,wayse qarinayaan inay shacabka la wadaagaan.
    Heshiiskii waa buray,waxase cadayn u baahan ma sii jiri doonaa?

    shirkadu haday heshiiskii ka baxdayna maamulku ha sheegaan,isku tashina ha lagu dhiso dekeda sida mida Garacad.

    Lacag la celyo ma jidho,hadii daraf heshiiska ka baxayona waa inay cadahay sida lagu kala bixi karo,waxaase muuqata inaan shirkadu diyaar u ahayn inay wax ka qabato dekeda.

  5. Sida aan qabo Dekeda Berbera 2 sababood ayaay Shirkadda u dedejisay in aay u fulisa sidii aay u ballan qaaday.

    1- in aay kula dagaasha tii Jabuuti ee laga eryey oo aay rabto in aay dhulka geliso. Oo. Waa kii Carabkii madaxda ka ahaa Jabuuti ugu hanjabay in aay gaarsiin doodaan in aay Qashinka cunaan.

    2- Iyo tan Berbera oo tan Boosaaso kaga dhaw Suuqa Itoobiya ee awalba ahaa kan Dekedaha loo maal geshanayey. Jidkii suuqa Itoobiya ku xiri lahaana Shirkada uu u sahlan yahay una kharash yaryahay in aay Casriyeeyso, midka Berbera.

    Laasiin Su’aal waxaay ka taagan tahay, wararku waxaay sheegayaan in aay midoobeen, DP WORLD iyo Shirkad Dekedaha maal geshata oo aay YAHUUDA leedahay, sidaana aay YAHUUDA wax ku yeelan doonta, kana maamuli doonta, Berbera iyo Boosaasa ee maxaa laga yeelayaa?
    Mise xaalku waa, ninkii Hooyadey Guursadaaba waa adeerkeey!!! Kkk

  6. Nuxurka heshiisku wuxu dhigayay

    horumarinta dekedda Boosaaso oo lagu sameeyo ballaarin iyo casriyayn taas oo warsaxaafadeed ay Puntland ka soo saartay heshiiskan ku sheegtay in dakada Boosaaso lagu kordhin doono illaa 450 Mitir oo ballac ah, sidoo kale waxaa la dayactiri doonta qaybta haatan shaqaysa.Mashruucan ayaa waxaa ku baxeysa lacag dhan $336 million, lacagtaasoo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekadala gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar,Waxaa kaloo uu heshiiskan dhigayaa in dhismaha dekada lagu dhamays tiro mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay.

    WAXBA KAMA FULIN ILAA APRIL 2017

    Waxa la Oran karaa Dp world maadaama Puntland iyo Somaliland aanay ahayn dawlado aqoonsi caalami ah haysta,maxkamadna aanay geyn Karin haday heshiiska ka baxaan,waxay door bideen inay mida Berbera maalgashtaan maadaama ay damiin ka noqotay Itoobiya oo Ku qancisay inaanay ka baqan wax uga yimaada,Somaliland lafteeda waxay dheeshay Game ay Ku kasbato in Dp World $442 Malyun dekeda Berbera geliso,horena ka bilowdo,waxana u saamaxay waxyaabo badan oo ay kamid tahay inaan waxba kala dhexeyn Federaalka,amniga,xeerarka maalgashiga ajaanibta oo u diyaarsanaa,dekedooda oo oo ka balaarnayd mida Boosaso,ka dakhli fiicnayd,suuq ballaaran Itoobiya ka helaysa.

    Asbaabahaas waa jiraan

    Waxase muuqata in Dp world doorteen Berbera oo ay ka laabteen inay Boosaaso geliyaan 336 Malyuun oo dolar.

  7. Labada sababood ee DP World ku dooratay Berbera waxaa sheegay A. xade, waana Jibouti oo ay weyday iyo masaafada dhulka. Boosaaso ugu yaraan 500km ayey u jirtaa xadka Somalia iyo Itoobiya. Intaa kadib ayaa la galayaa 700-800km oo ah dhulka Soomaalida Itoobiya ilaa laga gaaro degaanka Oramada oo ah halka suuqa Itoobiya ka bilowdo, halka Berbera ilaa degaanka Oramadu aanu ka dheerayn 400-450km. Soomaalida Itoobiya waa dad reer guuraa oo badan oo cidna sidaa uguma xisaabtanto suuq ahaan; wixii iyaga ka shisheeya ilaa dalalka Itoobiya ka shisheeya ayey ku xisaabtamaysaa DP World.

    DP World dhulka Somalia hal deked ka badan ugama baahna waayo deked qura ayey ku gaari lahayd danteeda. Shaki la’aan haddii DP World haysan lahayd Jibuuti, uma baahnaateen Berbera iyo Boosaaso ; inay u haysan lahayd curyaamin iyo inaysan dalal kale gacanta u galin way dhici kartaa. Haddiise iyadoo Jibuuti haysata ay deked kale qaadan lahayd, waxay qaadan lahayd Boosaaso, Xamar ama Kismaayo sababtoo ah Berbera waxay aad ugu dhowdahay Jibuuti oo mar kasta ka horreynaysa Berbera adeeg ahaan iyo juqraafi ahaanba. Boosaaso waxay Berbera kaga istaraatijisan tahay ka sokoow Badda Cas, inay uga dhowdahay Badweynta India. Haddii, matalan, uu xirmo Kanaalka Suweyz aad ayey u saamaynaysaa Jibuuti iyo Berberaba.

    Berbera dekaddeedu dabiiciyan way ka qotodheer tahay tan Boosaaso. Ragga sheegaya kumannaanka mitir ma garanayo sida ay wax u qiyaaseen. Dekaduhu xeeb bay ku yaallaan, badduna markii ay dhulka kusoo dhawaataba qotadeedu way gaabataa. Waxaa muhiim ah qotada gacanka maraakiibtu soo qaaddo marka ay dekadda kusoo xiranayaan iyo qotada halka markabku istaagayo jambiga dekadda. Gacanku inta badan waa dabiici inkastoo la qodo si qotadiisa loo dheereeyo. Halka markabku dekadda kaga xirto ma filayo celecelis ahaan (average) inay ka qotodheer tahay 10mitir -30mitir.

    Ugu dambeyn, dekadda Berbera waxaa caawiyey duruufa waqtiga oo isbaddela; ma filayo in ‘dowlad heer sarreeysa’ iyo maamul hufan u hiilliyeen.

  8. INTII AAN ARKAYEY DOOD KA DHACDA WEBKAN WAA MIDDII UGU CILMIYEYSNAYD TANI KU SAABSAN DEKEDDAHA SOMALIDA IYO DPWORLD, RUNTII QODOBADA LA SOO QAATAY OO DHAN WAA MUHIIM;
    AMINIGA SHAQAALAHA, QOTADA DEKEDDA, SUUQA DEKEDDA, SIYAASADDA GOBOLKA, MAAMULKA DEKEDDA XUKUMA,
    ANIGUSE WAXAAN HUBAA TAN UGU WEYN INAY TAHAY IN EMIRATES AY DOONAYAAN DEKEDO U XIDHAN OO QAARNA AY ISTICMAALAAN WAKHTIGAN TAAGAN, QAARNA FUTURE AHAAN U HAYSTAAN OO CID KALE AANAY SOO AGDEGIN IYAGA KU ERYA DEKEDDOODA, WAA ADIGA OO 2 JAGO OO SIKU XIGA QAATAY OO MIDNA DHISTAY MIDNA DEYSTAH.
    DEKEDAHA MARKA LA DHISAYO 4 WAX BAA LA EEGAA; a) Qotoda Badda Dekedda laga dhisayo ( deep water)
    b) Suuqa isticmaalka dekedda, sida Itoobiya, shidaal laga dhoofiyo, waxsoo saarka beeraha, xoolaha iwm
    c) Waddooyinka ama marinade Tareenada ee Dekedda ku xidhan oo Djibouti gacan sare ku leedahay.
    d) Deganaanshaha iyo amniga maamulkaa halkaa jooga, si maalgeshiga loo ilaaliyo, Insurance ka maraakiibta soo gelaysaana u sahlanaado, Deked iyo colaad iskuma gali karaan.
    Markaa Deledda Boosaaso waxay u haystaan innaan cid kale usoo degin iyaga la suuq ah.

  9. Aniga qoraalkeygaas sare ma khuseeyo qotada dekeda Berama ama Boosaaso midna. Waxa jawaab caadi ahaan ugu jiheysan yahay qotoda badaha isku celcelis iyo meesha aduunka bad ahaan ugu dheer qotadeeda.

    Waa hubaan in aanay bada cas la qoto aheyn badeynada kale ee aadka uga waaweyn. Jawaabteydu waxa ay ku socotay ninkaas yidhi xitaa badweynta ayaan 780 meters aanan gaadhin.

  10. Markii xaqiiqda laga hadlo DEKADA BOOSASO waxaa dhisi waayey maxamuud salabeen xaare xukun jecel oo 22 sano hortaaley maxamuud salabeen xaare xukun jecel waxeey ku mashquul sanayeen inay xamar ka taliyaan taana wey ku adkaatey. Dadka reer Puntland ha dhistaan dakadooda qadiimiga ee boosaso weyna dhisan karaan hadey isku tashadaan waayo Puntland ba iyagaa dhistey.

    Dekada iiidoor ee berbera waligood meysan dhistaan wax ay dowladii siyaad bare ugu tagtey iyo UAE oo iyagana qeyb dhisay. Labada dekadood waxeey ku yaalaan bada cas

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*